Siyaasiga Cali Siciid Raygal Oo Ka Hadlay Kulan Dhex-maray Maxamuud Xaashi Iyo Hoggaamiye Xirsi

0
Wednesday September 16, 2020 - 17:00:56 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1942
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Siyaasiga Cali Siciid Raygal Oo Ka Hadlay Kulan Dhex-maray Maxamuud Xaashi Iyo Hoggaamiye Xirsi

    Siyaasiga Cali Siciid Raygal Oo Ka Hadlay Kulan Dhex-maray Maxamuud Xaashi Iyo Hoggaamiye Xirsi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasiga Cali Siciid Raygal Oo Ka Hadlay Kulan Dhex-maray Maxamuud Xaashi Iyo Hoggaamiye Xirsi

Hargeisa(HWN):-Waxa magaalada Hargeisa uu kulan ku dhex maray labadda Siyaasi ee Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Siyaasiga Maxamuud Xaashi Cabdi.



Labadan siyaasi oo isaga danbeeyay Wasaaradda Madaxtooyadda xilligii uu Axmed Siilaanyo Madaxweynaha ahaa. Kulankan waxa kale oo ku wehelinnaayay Wasiirkii hore ee dhalinyaradda iyo ciyaaraha Xukuumaddii Ahmed Siilaanyo Md. Cali Siciid Raygal, waxaanna ujeedka kulankaas uu telefishanka Sahan uu wax ka waydiiyay Cali Siciid Raygal.

"Dadku siyaabo badan ayay isku arki karraan, markaa meel madal ah oo hawlo Xaafaddeed ka jireen ayaanu isugu nimid, inay is hayaanna anigu ma ogayn oo waxaannu ahayn Rag saaxiib ah oo meesha ku kulmay, markaa waxyaabaha baraha bulshadda lagu wad-wado iyagaa og, laakiin arrinku waxa uu ahaa dad meesha isugu yimid oo asxaab ah, sawirkanna waa la wada geli karraa oo dhib ah uma arko anigu.

Xaaladkastaa ha jirtee dadku way isku iman karraan oo kulmi karraan, macno wayn uma arko maxaa imika ku soo beegay in la waydiiyo, labadooduna mid-ba Xisbi ayuu ka tirsan yahay. Imika waxa la qabanayaa Shirweynihii KULMIYE, dadka shirka isugu imanayaa waxay noqonayaan ergooyin, halkaas ayaana golaha dhexe laga dooranayaa, ergooyinka ciddi igama reebine waan ku jiraa, aasaasayaashii Xisbiga KULMIYE-na waan ka mid ahay, sabab la iiga reebana filli maayo inay jirto. Xaq baa la iigu leeyahay cidkasta oo Xisbiga dhexdiisa ah oo khilaaf u dhaxeeyo inaanu isku soo jiidno aniga iyo raga ila midka ahba, waanan wadnaa oo kama madhnin hawshaas." Ayuu yidhi Siyaasiga Cali Siciid Raygal

Loading...
Loading...