'' Adiga Kuu Ooyi Maayo , Aniga Ayaase Ooyaya '' .

0
Sunday April 21, 2019 - 14:43:14 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1572
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    '' Adiga Kuu Ooyi Maayo , Aniga Ayaase Ooyaya '' .

    Ku , Maxamed Xasan Siciid Maxamed ( Sali-dhige) .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ku , Maxamed Xasan Siciid Maxamed ( Sali-dhige) . Marka ugu horaysa iga gudoon duco iyo Alle barri aan rabigeen ,ilaaha isaga mooyee aanu ilaah kale oo xaq laggu cabaadaa aanu jirin , ilaha Cadaaladda badan , Cadaaladda jecel ee inagu amray in aynu Cadaalad samayno , aan kuu waydiinayo , Danbi dhaaf ,Naxariis iyo raxmadiisa waasaca ah.



Saaxiibkayoow , waxaynu ahayn saaxiib , Isku jaamacad ayaynu ahayn , isku fasal baynu ahayn , afarsanadood ayaynu jidkaas soo wada maray . in badan baynu sheekaysanay , wax wada faalaynay oo aynu iska war qabnay.

Waayihii aad soo martay ee xanuunka badnaa , wixii hawl culus kusoo food saartay , wixii dhib iyo imtixaan kusoo maray waan ogaa oo waynu iska war haynay .


Wax kasta oo aad soo martayba maanta waad nagga guurtay, waxaad u guurtay gurigaagii dhabta ahaa , dibna halkan uguma soo noqon doontid .waxaad marti iyo magan u tahay ilaahay , ilaahay baad gacantiisa ku jirtaa , cid danbe oo aan isaga ahaynina arrintaad ma geli doonto .


Saaxib adiga maanta kuu ooyi maayo , waayo Aduunyadii iyo waayaheedii waad ka hayaantay ,waxaanad gaadhay Cadaaladii Rabi, aniga ayaase ooyaya maxaa yeelay Aduunyadii aad ogayd ayaan joogaa .

Nabadgelyo iyo Naxariista eebe oo waasaac ah .


W/Q:Ahmed Nuur Guruje

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...