Buuraha Ku Yaala Xafada Maxamed Mooge Oo Halis Ku Ah Degaanka
Dhinaca kale sida ka muuqata Buurtan oo ka mida Buuraha aanu booqanay ayaa waxa
Buuraha Xaafadda Maxamed Mooge Ee C. Hargeysa Ku Yaala oo Burbur Weyn oo Khasaare Cawaaqib Xumo Keeni Kara Lagu Hayo
Saaka waxaanu booqanay Dhawr buurood oo Ku Yaala Xaafadda Maxamed Mooge ee Caasimadda Hargeysa' Buurahaasi oo sida ķa muuqata Dhaawacyo Waa Wayn Iyo Burburin Laxaad leh oo waxyeelo u gaysan kara shacabka Xaafaddaha Buurahani ku yaalaan degan.
Dhinaca kale sida ka muuqata Buurtan oo ka mida Buuraha aanu booqanay ayaa waxa ka muuqda dhaawac wayn ka dib markii Cagafyo iyo Iska Rogooyin Hadh iyo Habeen Ciid ka guraan Buurtani oo Qayb ka mid la Burburiyey iyada oo sababtay taasina sida ay noo sheegeen Shaqaalaha Cagafyo Buurtani Sawiradeedu idiin muuqdo ee Burburinaayey oo Iska Rogooyin Ciida kaga guraayey in Nin Xaafadda u dhashay uu Buurta iska leeyahay oo Iibiyo.
Waxaana inta noogu dareen Shaqaalaha noo xog waramay in Wasaaradda Hawlaha Guud ee Somaliland ay Warqad Shaambadaysan oo ogolaasho ah soo sìisay Ninka Buurtani Cagafta galiyey isla markaana Iska Rogadiiba uu lacag 200,000shln (Laba Boqol oo Kun) Oo Shilinka lacagta Somaliland ah ay ka siiyaan' waxaana dhawrkii daqiiqaba laba Cagaf oo Buurtani ku jira ay Buuxinayaan Iska Ragooyin Ciida halka taala ka guraaya oo Is waydaaranaya.
Loading...
Loading...