"Saajin Waxaan Leeyahay, Yaan La Isku Kiin Garaacin Saylici Ee Inaadeerkaa U Tanaasul"

0
Wednesday September 16, 2020 - 16:02:17 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1072
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Saajin Waxaan Leeyahay, Yaan La Isku Kiin Garaacin Saylici Ee Inaadeerkaa U Tanaasul"

    Ayaa Ku Jira, Maxaa Yeelay Boosaska Guddoomiyaha Xisbiga, Guddoomiye Ku-Ixgeenka Koowaad,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ayaa Ku Jira, Maxaa Yeelay Boosaska Guddoomiyaha Xisbiga, Guddoomiye Ku-Ixgeenka Koowaad,


Xildhibaan Axmed Barkhad Obsiiye Oo Ka Mid Ah Mudaneyaasha Golaha Wakiilada Somaliland Ee Ka Soo

 Jeeda Gobolka Awdal Ayaa Ka Hadlay Shirweynaha Xisbiga Kulmiye, Ololaha U Dhexeeya Saylici Iyo Saajin, Tabashada Saami-Qaybsiga Iyo Awood Qaybsiga Xilalka Dawladda.

 

Xildhibaan Axmed Barkhad Obsiiye Oo U Warramaywargeyska Geeska Afrikaayaa Ugu Horeyn Isagoo Ka Hadlay Shirweynaha Xisbiga Kulmiye Iyo Loolanka U Dhexeeya Madaxweyne Ku-Xigeenka Iyo Wasiirka Ganacsiga Ayaa Yidhi "Shirweynihii Xisbiga Kulmiye Waa La Muddeeyey Oo Bisha Dambe Horaanteeda Ayuu Qabsoomayaa Haddii Rabbi Ogolaado, Laakiin Shirkan Xeelad Iyo Farsamo Cajiib Ah Oo Aan Aad Ula Yaabay Ayaa Ku Jira, Maxaa Yeelay Boosaska Guddoomiyaha Xisbiga, Guddoomiye Ku-Ixgeenka Koowaad, Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad Iyo Guddoomiye Ku Xigeenka Saddexaad Laguma Tartamayo, Laakiin Booska Guddoomiye Ku-Xigeenka Afraad Ee Xisbiga Ayaa Lagu Tartamayaa, Wasiirka Ganacsiga Saajin Xaq Buu U Leeyahay Inuu Tartamo, Laakiin Waxaan Saajin Leeyahay Sida Qabyo-Tire Iyo Maxamuud Xaashi Ilmadeeradood Ugu Diideen Inay La Tartamaan Weynu Aragnaa Ee Inaadeerka Saylici U Tanaasul, Waliba Adigoo Xaq U Leh Oo Sharcigu Ku Ogol Yahay Inaad Tartanto Ayaan Haddana Ka Codsanaynaa Inaad Tanaasusho, Maxaa Yeelay Maanta Madaxweynaha Booskiisa Laguma Tartamayo Boosaska Kalena Laguma Tartamayo, Ee Waxaa Layaab Leh In Laba Masuul Oo Ilmaadeer Ah Hal Boos Ku Wada Tartamaan, Ta Kale Saylici Maanta Waa Madaxweyne Ku-Xigeen, Waxaa Laga Yaaba In Aanu Mar Kale Isku Soo Sharixin Booska Madaxweyne Ku Xigeenka Ee Wakhtigaas Haba La Gaadho Ee Imika Waxaan Leeyahay Saajin Iyo Sayliciba Isku Tanaasula, Oo Yaan La Isku Kiin Garaacin”.

 

Mar Uu Ka Hadlayey Awood-Qaybsiga Xilalka Dawladda Ayuu Yidhi "Xukuumaddii Axmed Siillaanayo Waxaanu Ku Lahayn Wasiirro Iyo Agaasimayaal Ka Badan Wasiirrada Iyo Agaasimayaasha Aanu Xukuumadda Muuse Biixi, Hadda Saddex Wasiir Iyo Laba Agaasime Oo Qudha Ayaanu Ku Leenahay, Taasina Runtii Caddaalad Maaha Namana Qabato, Ta Kale Shaqaalihii Dawladda Aad Baanu Ugu Yarnahay, Oo Beesha Dhexe Ayaa Ugu Badan, Waxaana Xaqiiqo Ah In Inta Badan Ardayda Ka Soo Baxda Jaamacaha Ee Reer Awdal In Intooda Badani Aanay Shaqayn, Isla Markaana Lama Siiyo Fursado Ay Dawladda Kaga Shaqeeyaan, Dhinaca Mashariicaha Horumarinta Ee Dalka Aad Baanu Ugu Yarnahay, Markaas Cadaaladda Ha La Ilaaliyo, Oo Haddii La Doonayo In Dalka La Wada Yeesho Si Caddaalad Ah Wax Ha Loo Qaybsado”.

 

Mar Uu Ka Hadlayey Saami-Qaybsiga Ayaa Yidhi "Anaga Oo Ah Xildhibaanada Gobollada Darafyada Somaliland Waxaanu Ka Soo Baxnay Shirkii Golaha Oo Waxaanu Si Cad U Diidan Nahay Xeerka Doorashooyinka Ee Aanu Ku Jirin Saami-Qaybsiga, Ee Madaxweyne Muuse Biixi Waxaan Leeyahay Madaxweyne Daahir Rayaale Tolkii Buu Ku Jiifsaday Ee Adiguna Tolkaa Ku Jiifso Oo Saamiga Aanu Xaqa U Leenahay Nasii, Caddaaladna Maaha In Madaxweyne Beeshadu Ay Golaha Wakiilada Ku Yeelato 16 Xubnood, Anaguna Aanu Ku Yeelano 13 Xubnood, Madaxweyne Caddaalad Maaha In Beesha Dhexe Ee Aad Ka Soo Jeeda Inay Golaha Ku Yeelato Ugu Yaraan 52 Xubnood, Halka Beelaha Darafyada Ee Aanu Ka Soo Jeedno Ay Ku Yeeshaan Tiro Aad U Kooban..”



Loading...
Loading...