Golaha Guurtida Oo Ansixiyey Xeer Waajibinaya In Dawladdu La Wareegto Guriga Maandooriye Lagu Dhex Iibiyo

0
Wednesday September 16, 2020 - 16:01:17 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 846
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha Guurtida Oo Ansixiyey Xeer Waajibinaya In Dawladdu La Wareegto Guriga Maandooriye Lagu Dhex Iibiyo

    Marka Labaad Waxa La Ganaaxayaa Boqolkiiba Konton (50%) Qiimaha Gaadiidka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Marka Labaad Waxa La Ganaaxayaa Boqolkiiba Konton (50%) Qiimaha Gaadiidka



Xildhibaanada Golaha Guurtida Somaliland Ayaa Shalay Ansixiyey Xeerka La’dagaalanka Maandooriyaha, Kaas Oo Ay Hore U Soo Ansixiyeen Golaha Wakiiladu.

 

Ka Hor Intii Aan La Ansixin Waxa Golaha Ka Soo Jeediyey Wax Ka Badalka Iyo Kaabista Lagu Sameeyey Xeerkan La Dagaalanka Maandooriyaha, Xoghayaha Golaha Guurtida Somaliland Cabdinaasir Beegsi.

 

"Farqada Afraad Oo U Dhignayd Marka Hore Gaadiidka Lagu Qabto Maandooriye, Ee Ay Maxkamadd Horteed Kaga Cadaatay, Waxa Marka Koowaad Lagu Ciqaabayaa, Ganaax Lacageed Oo Dhan Boqolkiiba Labatan (20%) Qiimaha Gaadiidka.

 

Marka Labaad Waxa La Ganaaxayaa Boqolkiiba Konton (50%) Qiimaha Gaadiidka. Marka Saddexaadna Waa Lala Wareegayaa.”

 

Sidaasi Ayuu U Dhignaa Qodobku Balse Waxa Loo Kala Qaaday Markii Dambe; Farqadaasi Afraad Laba Farqadood Oo U Dhigan (B) Gaadiidka Dalka Soo Galiya Maandooriye Nooc Kasta Oo Uu Yahayba Mid Dhul, Cir Ama Bad, Ee Ay Maxkamadd Horteed Kaga Cadaato, Waxa Marka Koowaad Lagu Ciqaabayaa Ganaax Lacageed Oo Dhan Boqolkiiba Konton (50%) Qiimaha Gaadiidka, Marka Labaad Waa Lala Wareegayaa Gaadiidkaa.

 

Farqada Labaad (T) Waxay Noqotay Gaadiidka Dalka Gudihiisa Lagu Qabto Ee Ay Maxkamad Horteed Kaga Cadaatay Waxa Lagu Ciqaabayaa Ganaax Lacageed Oo Dhan Boqolkiiba Labatan, Marka Labaad Boqolkiiba Konton Marka Saddexaadna Waa Lala Wareegayaa.”

 

Xeerka La Dagaalanka Maandooriyaha Ayaa Waxa Kale Oo Uu Dhigayaa In Guryaha Lagu Iibiyo Maandooriye Lala Wareegayo Hadday Maxkamad Horteed Ka Cadaato.

 

 

 

Hargeysa/Office

 

 


Loading...
Loading...