Geed Deeble Biyahii La Waayo, Dadkanay Wada Gaadhayn, Go'aankaas Ma U Fiirsateen, Ma Awarkeena Gees Ka Raran.
1-GODKIISA ILAAH U NUUR,MARXUUM GAARIYAA TIRSHAYE,
MAANSADII GURMADBA AHAYD,GABOW MOOYE GARAAD,
GUYAASHU MAYNO TARAAN,GARASHO MA KA KORDHSANA,
SEDEEDIYO LABAATAN GUURE,GOOBTI BAAN TAAGANAHAY.
2-GOBOLADI WAY KALA DURKEEN,GAAJUU SHACABKI QABAA,
MACEESHAD MA GOYN KARAAN,GUUNYADI KA DHAMATAYO,
ABAARAA LA GUUD DHIGAYOO,GURMAD BAY U BAAHANYIIN,
HADANAY GACAL HAYSAN KALE,GARGAAR EEBBA U MAQAN.
3-GUMOW QARANKII DHAMAA,HADDAYBA GOLOYAAL JIREEN,
GURYAHA FOOQYADA GASHAAN,GAWAADHIDA QURUXDA BADAN,
CASHUURAHA SOO GURTAAN,GADAALNA DAD WAX LOOGU CELIN,
GUULUHU HA INAGA HAYEE,GARIIRKA DHULKANAAN KA BAQAN.
4-HASHEENA GUDHANE GAYAXAN,MIYANAY GODLANAYN MARUUN,
GOROFKA MARKA LOO CUSHABA,MAXAY NOOGA GAAGAXSHAAN,
GEED DEEBLE BIYAHII LA WAAYO,DADKANAY WADA GAADHAYN,
GO’AANKAAS MA U FIIRSATEEN,MA AWARKEENA GEES KA RARAN.
ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!