Xaalada siyaasdeed ee Itoobiya oo ka sii daraysa

0
Wednesday September 16, 2020 - 10:22:49 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 465
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xaalada siyaasdeed ee Itoobiya oo ka sii daraysa

    Johnnie Carson Xoghayahii hore ee Arrimaha Afrika ee Mareykanka ayaa dhankiisa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Johnnie Carson Xoghayahii hore ee Arrimaha Afrika ee Mareykanka ayaa dhankiisa

Mar kasta oo Talis cusub talada dalka Itoobiya qabsado waxa ay martaa saddex marxaladood mid kala guur ah, mid awood uruursi iyo cabudhin-Ra'iisal wasaare Abiye Axmed waxa uu si deg-deg ah ku bilaabay midda dambe dadkuna waxa ay bilaabeen in ay cadaadiska kasoo horjeestaan.

 

David Shinn oo horey u ahaan jiray Safiirkii Mareykanka u fadhiyay Itoobiya ahna bare culuumta Siyaasadda ayaa sheegay in "Itoobiya ku fashilantay tijaabadii Dimuqraadiyadda."

 

Johnnie Carson Xoghayahii hore ee Arrimaha Afrika ee Mareykanka ayaa dhankiisa ka digay in Itoobiya laga badbaadiyo middii Yuguslavia oo 1970-aad fashil ku yimid ka dib lix dal u kala baxday.

 

Tigray ayaa u muuqda in ay ka baxayaan Federaalka, ka dib markii si tartiib-tartiib ah u baneeyeen matalaadii ay ku lahaayeen unugyada sare ee DFI waxaana ay qabsadeen doorasho muran badan dhalisay.

 

Itoobiya oo ay ka jirto toban Is-Maamul Gobaleed oo madaxbanaani xadidan heysta ayay *Kililo kale in ay abuurmaan cadaadis dheeri ah ku hayaan Dowladda Dhexe.Waleyta oo Shucuubta Koonfureed ah ayaa ka mid ah kuwo hadda gar iyo gardaraba in ay ku helaan u badheedhay.Xasilooni-daradii Oromiya ka jirtay ayaana mataaneysay Sodho Waleyta, Shucuubka Koonfuraad ka mid ah.

 

Inta ay mudada dastuuriga, mudo xiliyeedkeeda ah oo labo sano uga dhimaneyd Ra'isal Wasaarihii hore Dhesaleyn ku sii simid gaadhsiiyo inta ay ka soo dooranayaan dadku siyaasigiin u matala xafiisyada dadweyne ayay mudo kororsi aan la aqoon dhammaadkeeda bilaabeen.

 

Ra'iisal wasaare Abiye Axmed cudurdaar la xidhiidha Caabuqa Korona iyo damac kursi jaceyl ayaa u horseeday in uu aqalka sare ee dowladda marsiisto doorashada in dib loo dhigo ilaa amardambe iyo xiliga uu aamino in ay ku haboon tahay doorasho qabashadeeda.

 

Laakiin, taas waxa ay sababtay in loo arko Dowladda Federaalka mid sharciyadii iyo kalsoonidiiba lumineysa, is la markaana daawo la'aan ku rida kala qeybsanaanta gudaha.

 

Bilihii u dambeeyay RW Abiye wuu biirayay tirada xoogaga ammaanka sida Bileyska Gaarka ee Oromia.

 

Awood isugu uruurta dhexda oo Axmaari ah waa midda ay aad ugu bogayaan qabiilka Axmaaradu, laakiin taas waxa ay la macno tahay in jar dheer laga tuurayo nabad ku sii wada noolaanshihii qoomiyadaha.

 

Waayo,awoodaha dowliga oo meel dhexe oo Federaalka ah la isugu geeyo,iyada oo in ka badan 95 kala isir,diin, dhaqan, af iyo dhul ah Dowlad Dhexe la isugu geeyo waa damac waxa ka dhalan kara yahay wada joogimeynee inagu kala geeya.

 

Oromo oo markii hore aaminsaneyd in loo xagal-daacinayo Axmaarada siqiir-colowga ay yihiin ayaa qarracantay markii Abiye Axmed oo isaga laftiisu Oromo ka soo jeedo, si toosa uga la saftay go'aanna ku gaadhay meelmarinta aragtida Axmaarada mudi'ciga ku ah nidaamma ku wada-joogidda hab Federaali ah oo qodobadiisa dastuuriga mid ka mid (39-aad) xuquuq u siinayo in Dowlad Gobaleed kasta oo ka mid ah 10-ka Kilil aayihiisa Is-maamul ka tashan karo-ilaa heer gooni-isu-taagna yeelan karo.

 

Axmaaro hadaba waxa ay rabtaa in meesha laga saaro qodobkan aan meesha ku xusnay oo sida ay ahaan jirtay boqortooyadii xiliyadii awoowayaashood loo soo celiyo-Dowlad dhexe oo Axmaaro gacan sare siineysana lagu simo.

 

Malaayiin dad ah ayaa isu heysta in ayna wali dhalashadoodii helin oo ay dhalasho la'aan yihiin-musiibana ay ka heysato ugu yeedhidda Itoobiyaan.Dadkaas waxa ay noqonayaan kuwo ka soo kala jeeda 10-ka kilil sideed ka mid ah sida Oromiya, Dowlad Deegaanka Soomaalida, Canfarta, Benishangul, Sidama, Gambella iyo qoomiyadaha laga tiro badan yahay.

 

Itoobiya waxa ay aheyd mid aad u yar ilaa laga soo gaadho qarnigii 19-aad-markaasoo boqor beenaadyadii Reer-Galbeedka gacansaarka la yeeshay ay isku soo balaadhiyeen qoomiyadihii kare oo ay dhul ka qaataan.Minilik-gii 1-aad waxa uu gumeystihii Reer Yurub u sheegay in xadkiisu yahay Khartuum, Suudaan,Nyanza, Kiiniya, iyo dhammaan dhulka iyo xeebaha Soomaalida.Dhul ku darsashadu caadi ayay u aheyd;hayeeshe, dhul ayna xuduud wadaagin, dad ka joogin ama heshiis ayna kula galin ayay sheegteen.

 

Markii siyaasad dhab ah oo la isku wadi karo dhammaan laga waayay Dowladda Dhexe isir walba dhalintoodii waxa ay bilaabeen in ay daacad u ahaadaan qoomiyadooda, kaliya.


Lis Dairy

W/Q Abdulahi Nur Colombo



AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...