Nin Ku Lug Lahaa Kufsiga Iyo Dilkii Xamdi Maxamed Oo Lagu Qabtay Galgaduud

0
Wednesday September 16, 2020 - 10:05:19 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1960
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nin Ku Lug Lahaa Kufsiga Iyo Dilkii Xamdi Maxamed Oo Lagu Qabtay Galgaduud

    "Ciidanka Boliiska Galmudug ayaa xalay xili dambe howlgal ay ka fuliyeen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Ciidanka Boliiska Galmudug ayaa xalay xili dambe howlgal ay ka fuliyeen




Ciidanka Booliiska Dowlad goboleedka Galmudug ayaa waxaa la sheegay in xalay xilli dambe howlgal ay ka fuliyeen magaalada Cadaado ku soo qabteen mid kamid ah rag lagu eedeeyay kufsigii iyo dilkii Muqdisho loogu geystay Xamdi Maxamed Faarax.

 

Taliye kuxigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Sakiya Xuseen Axmed ayaa sheegtay in Ninkaasi oo lagu Magacaabo Maxamed Ibrahim Cismaan oo 24 jir ah, kunadhashay Muqdisho laguna tuhmaayo inuu ku lug lahaa kiiska marxuumad Xamdi Maxamed Faarax kana baxsaday magaalada Xamar falka ka dib.

 

 

"Ciidanka Boliiska Galmudug ayaa xalay xili dambe howlgal ay ka fuliyeen magaalada Cadaado ku soo qabtay eedeeysane Maxamed Ibrahim Cismaan, 24 jir ah, ku dhashay Muqdisho laguna tuhmaayo inuu ku lug lahaa kiiska marxuumad Xamdi Maxamed Faarax kana baxsaday magaalada Xamar falka ka dib ayaay tiri” Taliye Sakiya.

 

Waxaa ay u mahad celisay Ciidamada iyo Shacabka Maamulka Galmudug oo ay sheegtay inay siwadajir ah uga Shaqeeyeen sidii gacanta loogu so dhigi lahaa eedeeysane Maxamed Ibrahim Cismaan oo baxsad ahaa.

 

Booliska Soomaaliya ayaa shalay sheegay in 11 Ruux ay u hayaan kiiska kufsiga iyo dilka ee dhibbane Xamdi, isla markaana baritaano ay ku hayaan dadkaasi.


Loading...
Loading...