Ex Madaxweyne Siilaanyo Oo Intii Aanu Dalka Ka Bixin Kulan La Qaatay Hogaamiyaha Xisbiga Waddani

0
Tuesday September 15, 2020 - 18:30:40 in News by
  • Visits: 4616
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ex Madaxweyne Siilaanyo Oo Intii Aanu Dalka Ka Bixin Kulan La Qaatay Hogaamiyaha Xisbiga Waddani

    Ex Madaxweyne Siilaanyo Oo Intii Aanu Dalka Ka Bixin Kulan La Qaatay Hogaamiyaha Xisbiga Waddani

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ex Madaxweyne Siilaanyo Oo Intii Aanu Dalka Ka Bixin Kulan La Qaatay Hogaamiyaha Xisbiga Waddani


Hargeysa(HWN):-Madaxweynihii hore ee somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa qaabilay wasiirkiisii hore ee madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan.

featured – Page 64 – Codka, shacabka, SSC, wararkii ugu dambeeyey


Wararka ayaa sheegaya in kulanka dhex maray Ex madaxweyne Siilaanyo iyo wasiirkiisii madaxtooyada uu ahaa mid laysku laab xaadhay oo meesha lagag saarayey faham qaldan oo laga bixiyey buugii Miyi ilaa Madaxtooyo ee uu qoray Xirsi Cali Xaaji Xasan.


Kulankan ex madaxweyne Siilaanyo iyo hogaamiye Xirsi oo ay ka soo shaqeeyeen madax dhaqameed ka soo jeeda beesha bariga Burco ayaa la sheegay in madaxweyne Siilaanyo ku wargeliyey wasiirkiisii hore inaanu waxba uga hayn waxyaabihii ku qornaa buugii miyi ilaa madaxtooyada, waxaanu Axmed Siilaanyo intaas raaciyey inuu duco ku ogyahay gacanyarihisii koowaad ee mudada shanta sanadood ah la shaqaynayey.


Ex madaxweyne Siilaanyo iyo hogaamiye Xirsi oo kulankoodu dhacay intii aanu shalay dalka ka dhoofin madaxweynihii hore ayuu wasiirkii hore ee madaxtooyadu uga mahad celiyey qaabilaada wanaagsan isaga oo sheegay inuu u hayo ixtiraam badan oo uu ka mudan yahay.


Madax dhaqameedka iyo ganacsato ka soo jeeda bariga Burco oo kulankan ka shaqeeyey ayaa dhankooda sheegay in ujeedada ay iskugu keeneen ex madaxweyne Siilaanyo iyo wasiirkiisii madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan ay tahay inay iska laab xaadhaan wixii mad madow ah ee soo kala dhex galay maadaama oo madaxweynihii hore dalka ka dhoofayey.

Loading...
Loading...