Suxufiyad Muna Cabdisalaan Koosaar Oo Ka Hawl Gashay Telefishanka ABC

0
Tuesday September 15, 2020 - 17:53:30 in News by
  • Visits: 6767
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Suxufiyad Muna Cabdisalaan Koosaar Oo Ka Hawl Gashay Telefishanka ABC

    Suxufiyad Muna Cabdisalaan Koosaar Oo Ka Hawl Gashay Telefishanka ABC

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Suxufiyad Muna Cabdisalaan Koosaar Oo Ka Hawl Gashay Telefishanka ABC

Mona Abdisalan Koosaar Abdi, Waa Inan weriyad ka ah Television-ka ABC ee dalka Maraykanka, hore-na ugu shaqayn jirtey War-baahinta la yidhaaho Lyncuburg West, iyadda oo qaybo ka sii daysa barnaamij-yadda ka baxa ABC News Programs Of World News, oo ay ka mid yihiin Imika iyo Ameerkia ( Now And America) Iyo Qaybta la yidhaaho "Subax Wanaagsan" ee maalinta Arbacadda ah soo gala 9AM ( Good Moring Wednesday at Nine Oc'lock).



Sidda ay sheegtay ABC News Mona Abdisalan Koosaar Abdi, waxay ka bilawday markii hore qaybta loo yaqaano "Anchor Desk" oo ah isku duba-ridka barnaamijka ama wararka la sii daynaayo, ee Habeenkii ka baxa.

Waxa imika loo qaatay oo ay u sii dalacday Qaybta Ah:- @ABCNews in ay iyadda laf-teedu sii dayso, oo ay uga baahiso aduunka

@MonaKAbdi). Waxana si toos ah loogu carabaabay in ay noqoto mid-ka-mid, ah dadka mar qudha daran-doori u wadda sii daaya wararka ( One of The News Casters) ee World News Now And America This Moring ee ku baxa Qaybta la yidhaaho" bit.ly/3m4yvoi" Laga soo bilaabo bishii March/2020, Waxay ka mid noqotay Qaybta la yidhaaho " 

Kenneth Moton" ee ah kuwa miiska u soo fadhiista, iyaka oo gubinaaya arimahan hoos ku xusan, sidda Xanuunka Pandemic Covid19, Rebshedihii ka kacay dilkii Ninkii Madoobaa ee la odhan jirey George Floyd, Flanqaynta dhaqaalaha ( The Economic Analysers) Xadhiggii xabsiga lagu dhigay ninka la yidhaaho Ghislaine Maxwell,, Dorshadda Madaxnimadda Maraykanka ( America Presidential Election), iyadda oo soo gashay Shebekadaha War-baahinta Bishii january 2019kii qaybta la yidhaaho "Multi-Platform Reporter" ee Magaaladda Washington D.C. Halkaas oo ay kaga qayb qaadatay arimo kala duwan oo ku saabsan maamulka madax-weyne Trump, waxa ka socdaa aqalka laga maamulo Maraykanka, ee loo yaqaano Buurta Weyn ( Capital Hill), Kuwaas oo ka hadlaayey muranadda ka dhex aloosan Maraykanka iyo Dalka Iiraan (Iran). 

Waxay sido kale xubin ka ahayd kuwa ugu muhiimsan Gudidda Wararka ee ABC Qaybta 24-ka saac. kolkii la donaayey in Madaxnimadda laga tuuro Madax-weyneTrump ( Impeachment Of President Trump). Ugu damabayn, Waxay soo gashay weriya-nimadda War-baahinta, iyadda oo wakhti kooban ka shaqayn jirtey (Part time worker) Idaacadda La yidhaaho Anchor" Bishii January 2014 ilaa iyo bishii December/2016Kii ( From Januay 2014- December2016). Waxan kaga baxayaa taariikh-dan Inanta Mona Abdisalan Koosaar Abdi, Sidaas aniga oo soo koobay.


Hadhwanaagnews.com

USA
Loading...
Loading...