"Hadalka Cabdillaahi Abokor Waa Ciil-qab Siyaasaddeed" Xoghayaha Biyaha Ee Xisbiga WADDANI

0
Tuesday September 15, 2020 - 15:56:31 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1061
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Hadalka Cabdillaahi Abokor Waa Ciil-qab Siyaasaddeed" Xoghayaha Biyaha Ee Xisbiga WADDANI

    "Hadalka Cabdillaahi Abokor Waa Ciil-qab Siyaasaddeed" Xoghayaha Biyaha Ee Xisbiga WADDANI

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Hadalka Cabdillaahi Abokor Waa Ciil-qab Siyaasaddeed" Xoghayaha Biyaha Ee Xisbiga WADDANI

Hargeisa(HWN):-Xoghayaha Biyaha ee Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Bashiir Cumar Geelle, waxa uu jawaab ka bixiyay hadal dhawaan ka soo yeedhay Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka, waxaannu Wasiirka ku eeddeeyay inaanu wax-ba muuqda ka qabanin Jidka isku xidha Burco iyo Ceerigaabo.
Halkan Ka Daawo


Bashiir Cumar Geelle waxa kale oo uu ka hadlay cabasho dhanka Biyaha ah oo ka taagan magaaladda Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag.

"Hadalkaas ka baxay madashii Qallin-jebinta ahayd ee Ardayda jaamacadda Hargeisa, Madaxweynuhu wuu fadhiyay, hadalka Xirsina Madaxweynaha ayaa qiray oo yidhi hadalka Xirsi waa dhaliil sax ah oo ah aasaaska Xisbiyadda mucaaridku u dhisan yihiin inay dhaliisha iyo toosintaba is raaciyaan, balse hadalka Wasiir Cabdillaahi Abokor ee ka daba-taga ahi waxa uu u muuqanayaa Ciil-qab siyaasaddeed, hadalkii Madaxweynihiisana muu dhagaysan oo uu ahaa inaanay siyaasad Ciil-qab lahayn.

Marka Jidka Ceerigaabo laga hadlo tacabkeeddii iyo aasaaskeeddiiba waxa lahaa Xirsi oo bilaabay. Anigu deegaan ahaan waxaan ka soo jeeddaa Ceerigaabo, wadadana toddobaadkii u danbeeyay ayaan soo marayoo waxa uu sheegayo Cabdillaahi Abokor iyo waxa uu buunbuuninaayo wax-ba kama jiraan oo Wadada waan marraa markasta.

 Wasiir Cabdillaahi Abokor hore ayaynu u ogaynoo Xurguf siyaasaddeed baa ka dhex jirtay Xirsi, tii baanu soo cusboonaysiinayaa oo uu ka hadlayaa, horenna Cabdillaahi Abokor isagoo Masuul ka ah Wasaaraddii Amniga waa kii yidhi golaha Wasiirrada waxa ku jira Xubno argagixiso ah waxay ahayd samcad dil qaranka loo gaystay, weliba berigaa Madaxweyne Biixina waa u hiilliyay, maantana haddii Xafiiska Cabdillaahi Abokor baadhid lagu sameeyo waa Nin saddexdii dawladdood ee kala danbeeyay gaadiidkii dalka yimid inta uu dib u diwaan-geliyay oo liisano cusub u jaray Maallaayiin Doollar ka soo xarreeyay, taasoo aan la garanayn meel ay ku dhacdo, markaa mallaa Kalsooni kale ayuu qabaaye diyaar baanu u nahay in baadhid lagu sameeyo Wasaaraddiisa, Xirsina waa ogol yahay." Ayuu yidhi Xoghayaha Biyaha ee Xisbiga WADDANI Bashiir Cumar Geelle oo u waramaayay telefishanka Horn Cable TV.

Loading...
Loading...