Wasiirka Warfaafinta Somaliland Oo Laga Helay Cudurka COVID 19

0
Tuesday September 15, 2020 - 13:04:55 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1628
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Warfaafinta Somaliland Oo Laga Helay Cudurka COVID 19

    Wasiirka Warfaafinta Somaliland Oo Laga Helay Cudurka COVID 19.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Oo Laga Helay Cudurka COVID 19.

Hargeisa(HWN):-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyi-gelinta Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo ku sugan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka SOOL, ayaa qaar ka mida Suxufiyiinta ka hawl-gala Warbaahinta dawladda u xaqiijiyay in baadhitaan uu isku sameeyay kadib, laga helay xanuunka COVID19.



Wasiir Koorre waxa uu sheegay in Xaaladdiisa caafimaad hadda fiican tahay, balse loo baahan yahay in la raaco tallooyinka Caafimaad ee la iskaga ilaalin karo Caabuqan COVID19, waxaannu sheegay in wali Xanuunka uu dalka ku jiro loonna baahan yahay in laga taxadaro waxyeeladdiisa.

Maaha markii ugu horraysay ee uu Xanuunkan COVID19 uu ku dhaco Wasiir ka mida Xukuumadda Muuse Biixi, haseyeeshee waxa uu hore ugu dhacay Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta iyo Wasiirka Maalgashiga Somaliland.

Loading...
Loading...