Cabdillaahi Darawal Oo Ka Hadlay Heshiiskii Xisbiyadda Iyo Khilaafka KULMIYE
Cabdillaahi Darawal Oo Ka Hadlay Heshiiskii Xisbiyadda Iyo Khilaafka KULMIYE
Hargeisa(HWN):-Siyaasiga Cabdillaahi Xuseen Iimaan (Darawal), ayaa dhaliilay heshiiskii ay saddexda Xisbi wada gaadheen, waxaannu ku tilmaamay mid Shaki iyo Madmow badani ka muuqdo, isla markaanna waxa uu Xisbiyadda mucaaridka ah u soo jeeddiyay inay ka hadlaan.
Cabdillaahi Darawal waxa uu ka hadlay khilaafka ka dhex taagan Xisbiga KULMIYE, kaasoo uu ku tilmaamay mid iska caadiya oo waligiiba KULMIYE ka dhici jirey iyo guud ahaan-ba Xisbiyadda ka jira Somaliland, waxaannu sheegay inaan la wada lahayn Xisbiyadda ka jira Somaliland oo qofkii la doono laga saaro markii loo baahdo.
"Xisbiyaddu inay heshiiyaan waa ka aynu ka doonnaynay inay mar uun heshiis gallaan, laakiin heshiiska ay galeen maaha mid dadka u danaynaaya ama Sharciga dalka waafaqsan maaha, sababtunna waxa weeye Xisbiyadda qaranka wakhtigooddu waa toban sano, waxa siinnaaya Xeer Namber 14, tobankii sanaba mar baa Ururrada la furayaa, wakhtiga la furayaana waa Lix bilood ka hor. 26-kii December ee Sanadkii 2012-kii ayaa lagu dhawaaqay inay Xisbiyo yihiin, waxaanna la rabbaa in 26 June 2022-ka la furo Ururrada siyaasadda Somaliland .
Markaa heshiiska Xisbiyadda shacabku caddayn bay u baahan yihiin, waxaanna ku jira Shaki iyo madmow badan, waxaanna la rabbaa inay Xisbiyadda mucaaridka ahi halkaas caddeeyaan.
Ta labaad waxa weeyaan Sharcigeenna waxaad mooddaa inuu jaantaa roggan noqday oo nin-ba sida uu doono uu u dhigannaayo, waxaan yar milicsadday sharcigan doorashooyinka ee Baarlamaanka hor yaalla. Qoddobkiisa 6aad wuxuu sheegayaa haddii doorashadda goleyaasha deegaanku xilligeedii ku dhici waydo Komishanka doorashooyinka oo la tashannaaya Xisbiyadda qaranka ayaa u kordhinnaaya, waa wax aan sharci ahayn oo ka soo horjeedda.
Arrinta KULMIYE dad baa wax wayn ka dhigaaya, KULMIYE-na waxani way ka dhici jireen, Xisbiyaddeena lama wada laha, wax cusub-na maaha, Xisbiyadeennu Barnaamijyo iyo Mabaadii kuma salaysna, waxna kuma kala duwanna waa kursigaas uun sidii loo gaadhi lahaa." Ayuu yidhi Cabdillaahi Darawal
Loading...
Loading...