Abuukar Cawaale (QAAD-DIID) Somalida Australia ayaa gurmad ka rabta.

0
Tuesday September 15, 2020 - 10:54:46 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1636
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Abuukar Cawaale (QAAD-DIID) Somalida Australia ayaa gurmad ka rabta.

    W/Q; Xasan Ahmed H.Adam

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q; Xasan Ahmed H.Adam

Waxaa aad looga wada dheregsanyahay guushii uu ka gaadhey  Abuukar Cawaale oo loo yaqaan QAAD-DIID  halgankii uu u galey inuu waddanka ingiriiska ka joojiyo qaadka isagoo olole uu muddo wadey ilaahay ku guuleeyey in ummaddaha Somalida, Afrikada kale iyo dadyowga kale ee qaadka ku cuni jirey UK maanta ku naalloonayaan farxad iyo caafimaad iyo  dhaqaale kororba.



Haddaba dhibaatadii qaadku waxay ka jirtaa waddamo kale oo Soomaalidu joogto taasoo la odhan karo waa markii uu Abuukar cawaale  u gurman lahaa. 


Tusaale ahaan waddanka Australia dhib weyn ayuu ku hayaa qaadku dadka soomaaliyeed kaasoo ay ka mid tahay Family violence ( Dhibaatooyin qoyseed)sida i furriinkii oo batey,  dhaqaalihii qoysaska la siinayey oo uu dhib weyn ku hayo iyo dhibtii uu soomaalida waddankii joogta ku hayey mid la mid ah oo halkaas ka jirta.


Sidaas darteed  Somalida ku dhaqan Australia waxay u baaqaeysaa oo gurmad ka dooneysaa  inuu halgamahaa soomaaliyeed usoo gurmado.


Haddii ingiriiska ay muddo ku qaadatey in la joojiyo halkan Already sharciga Australia wuu diiddanyahay 80%  sidaas darted halgame AbuukarCawaale Qaad-diid  muddo kooban ayay insha-allaah ku qaadaneysaa inuu guul taariikhi ah ka gaaro.


Xasan Ahmed H.Adam

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...