Gefka Taariikheed Ee Jaamacadda Hargeysi Gashay

0
Tuesday September 15, 2020 - 10:50:40 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1442
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gefka Taariikheed Ee Jaamacadda Hargeysi Gashay

    W/Q: C/raxmaan C/laahi Warsame

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: C/raxmaan C/laahi Warsame

Dhawaan waxaan warbaahinta ku arkay madaxda jaamacadda Hargeysa oo k hadlyay meel xaflad ah oo sheegaysa in Jaamcadda Hargeysa markii ugu horraysay laga furayo kulliyad dhanka saxaafadda ah.



Waxaan u kala saari waayay in Jaamacaddii aan ogaa ay noqotay bilaa keyd taariikheed iyo in qoladan taladeeda hadda gacanta ku haysaa ay yihiin qaar qurbaawiyiin ah oo bari danbe dalka yimid.


Jaamacadda Hargeysa oo la furay sannadkii 2da kun(2000), ahaydna jaamacaddii labaad ee dalka laga furu, dagaalladii dib u xoraynta kadib, Jaamacadda Camuud ayaa la furay 1998, waxa laga furay kulliyadda saxaafadda sannadkii 2004tii, wakhtigaa waxa lagu bilaabay course-yo gaagaaban oo loo bixiyay Certificate in Journalism, wakhtiga ay soconayaanna ahaa 9 bilood.


Kooxdii ugu horraysay ee sagaalkaa bilood dhigataa waxa ku jiray saxafiyiinta waaweyn ee dalka, waxaanay ka qalinjabiyeen bishii 12aad ee sannadkii 2004.


Kooxdii labaad ee sagaalkaa bilood wax ku baratay iyana waxa casharrada toos loogu bilaabay bishii labaad(Feb) ee sannadkii 2005, iyaga oo dhammaystiray bishii tobnaad ee isla sannadkaa.


Nasiib wanaag dhammaadkii 2005, waxay jaamcadda Hargeysi  deeq waxbarasho oo heer koowad ee jaamacadda ee degree-ga oo laga soo jiiday dalka maraykanka ka heshay Jaamacad ku taalla dalkaasi oo la yidhaahdo Indiana University of Pennsylvania, waxaanay sidoo kale soo dhex maraysay deeqdaasi Jaamacadda kale ee la yidhaahdo AVU( African virtual university) oo ku taalla dalka kiiniya.  hawshaas oo ay fududaysay hay’adda UNDP, waxa ay u saamaxday jaamcadda Hargeysa in markii u horrasay  casharradii 9ka bilood ahaa ku darto saddex sano si ay noqdaan waxbarasho dhammaystiran.


Lodkaasaan haddaba anna ka mid ahaa helay nasiibkaa aan hortood jirin cid heshay. Ardayda nasiibkan heshay oo isugu jirtay kuwii sagaalkii bilood ee ugu danbeeyay dhigtay iy kuwo cusub labadaba waxa tiradoodu dhannayd soddomeeyo qof. Waxbarashada waxay ku bixi jirtay habka on-linke ee internetka laga dhigto, macallinka noo dhigi jiray oo toddobaadkii laba habeen khadka soo gali jiray waxa uu ahaa Mukasa oo dhalashadiisu ahayd Zimbabwe, macallinka isna noo fududaynayay ee halkan Hargeysa nala jooogay waxa uu ahaa  Xasan Mohamed Jaamac( Xiis) oo hadda ka shaqeeya qaybta xidhiidhka dadweynaha( Public relations) ee shirkadda Dahabshiil.


Saddex sano kadib oo ku beegan sannadkii 2009, ayaanu haddaba ka qalin jabinnay Jaamacaddii Hargeysa qaybtii saxaafadda annaga oo tiradayaduna intii aanay waxba ka dhinmin. Bal haddaba waxa la yidhi beenaale Markhaatigiisuu fogeeyaaye aan idiin taxo liiska ardaydaa wakhtigaa aanu ka wada baxnay jaamacadda iyo mid waliba halka uu ka shaqeeyo wixii Ilaahay nolol ku soo gaadhsiiyay intii aan ka gaadhay, haddii aan qaldo meelaha iyo xilalka saaxiibbaday hayga raalli noqdaan.

 

1.     Aamina Mohamed Rodol…Program manager at Nafis Network

2.     Abdalle Mohamed Ahmed…UNDP IT Manager

3.     Aden Yuusuf Qodax ……Research and M&E manager, PSI

4.     Barkhad Muxumed Cumar ….Wargeyska Saxafi

5.     C/laahi Ibrahim Nuur….Waxa uu ku noolyahay Nayroobi

6.     C/raxmaan Ahmed Mohamed….Alle ha u naxriistee wuu geeriyooday

7.     C/raxmaan Cumar Xuseen ….Alpha university lecturer

8.    Cadnaan Cabdi Xasan…..Former SDM consultant for JPLG 2 progam

9.      Cadnaan Daahir Muxumed….. Department manager Telesom

10.  Cali Cabdi Coomay ….Qoraa, Saxafi, wasaaradda Warfaafinta SL4

11.  Cumar Jaamac Faarax …..Director and founder Taakulo Somali community

12.  Maamed Cabdi Ilig…. Agaasimaha Horn Cable TV

13.  Maxamed Cismaan Ibraahim …Agaasimaha maamulka iyo xisaabaadka  ee wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland.

14.  Maxamed Ibrahim Cabdillaahi ….Media section manager at telesom

15.  Maxamed Yaasiin Faratoon …Ku nool Malaysia)

16.  Mukhtaar Caydaruus Cige …SLNTV(Somaliland National TV)

17.  Mukhtar Muxumed Xasan …Area representative for save the children Somaliland.

18.  Mustafe Aden Jirde.. Editor and owner of somalilandinformer.com, waxa uu ku noolyahay Qadar

19.  Mustafe Aden Muse… Cloud content section manager, Telesom

20.  Mustafe Sulub Maxamed…. Shaqaale Wargeyska Dawan

21.  Nafiisa Maxamuud Xuseen… Ku-xigeenka wacyigalinta ee wasaaradda warfaafinta iyo wacyi galinta, SL

22.  Rooble Maxamed ….Communication specialist at Civil service commission, Somaliland

23.  Sahra Cabdi wahaab Axmed ….Senior producer at Radio Hargeisa

24.  Saleebaan Aden Dugsiiye…. Business owner

25.  Samsam Axmed Xasan  …Program support officer at UNDP

26.  Siciid Khadar ….Ethiopian airline Hargeisa office

27.  Suhuur yaasiin ….Fundraising and communication manager , Action Aid

28.  Xadiis Maxamed Xadiis ….Free lance journalist

29.  Xasan Xuseen Cabdi …Shaqaale Wargeyska Dawan

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...