Maamulka Puntland Oo Somaliland Ka Joojiyay Biyo Galin Ka Socotay Badhan

0
Tuesday September 15, 2020 - 09:48:42 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1791
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka Puntland Oo Somaliland Ka Joojiyay Biyo Galin Ka Socotay Badhan

    Biya galinta ayaa waxaa wadday Soomaliland, waxaana ay doonayeen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Biya galinta ayaa waxaa wadday Soomaliland, waxaana ay doonayeen


Badhan, Sanaag - Wikipedia

Maamulka Puntland ayaa ka hor yimid mashruuc Biya galin ah oo laga hirgalin lahaa Magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag.

 

Biya galinta ayaa waxaa wadday Soomaliland, waxaana ay doonayeen in ay biyo-gelin iyo ceel riig ah ka howl galiyaan degmada, balse waxaa arrintaas ka hor yimid Maamulka Puntland.

Maamulka Degmada ayaa sheegay in sababta ay u joojisay mashaariicdaasi ay tahay in aysan waafaqsanayn sharciga degmada, sidoo kale waxa Puntalnd ay joojisay Mashruuc kale oo Soomaaliland ay ka wadday deegaanka Qorof oo hostaga isla Badhan, waxaana mashruucaasi uu ahaa biyo galin ah.

 

Guddoomiye ku xigeenka degmada ayaa soo saaray warqad uu ku joojinayo Mashruuuca, Guddoomiyaha Gobolka iyo taliyaha Booliska ayaa sidoo kale ku xusan warqadda.

 

Puntland iyo Somaliland ayaa waxaa jira muran u dhexeeya oo ah xagga dhulka, waxaana ay isku haystaan degaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolada Sool iyo Sanaag, waxaana tiro dhowr jeer ah ka dhacay degaanadaas dagaalo uu dhiig badani ku daatay, inkastoo la xaliyay dagaaladaas.



Loading...
Loading...