Xaqiiqda Arinta Hadalhaynta Loolanka Lagaliyay Kursiga Gudoomiyaha 4aad Ee Xisbiga Kulmiye.

0
Tuesday September 15, 2020 - 09:28:54 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2178
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xaqiiqda Arinta Hadalhaynta Loolanka Lagaliyay Kursiga Gudoomiyaha 4aad Ee Xisbiga Kulmiye.

    Haddaba Su,aasha Isweydiinta Mudan ayaa ah Arintan Sidee ayay u arkaan Reer Awdal?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Haddaba Su,aasha Isweydiinta Mudan ayaa ah Arintan Sidee ayay u arkaan Reer Awdal?



Hargaysa (HWN) Arintan,Indhawaale Ku Cusbayd Xisbi Xaakimka Kulmiye oo Gabi ahaanba si aad ah Loo Hadalhayay, dhaqdhaqaaqyada Diyaar garawga Shirweynaha Kulmiye ee Bisha Okroobar La Qaban Doono, oo ah Mid Loolan Lagu Galiyay Gudoomiye/Kuxigeenka 4aad Ee Xisbiga Kulmiye oo Lagu Koobay Lookanka Ka Dhici Doona Shirkaasi Islamarkaana, Lagu Gaar Yeelay in ay Ku Tartamaan Madaxweyne/Kuxigeenka Cabdiraxmaan-Saylici iyo Wasiiradda ay Kasoo Wada Jeedaan Gobolka Awdal iyo Beesha Samaroon, oo aheyd Mawduuc Si aad ah Uga dhex Muuqdey Qabanqaabada Shirka  maadaama, aan Lagu Tartameyn Jagooyinka Kale Ee Xisbiga ayaa aheyd Mid Marka hore Taladeeda iyo Damaceedu ka Yimid Gudoomiyaha Jaamacada Camuud Saleebaan Axmed Guuleed,iyo Wasiirka Ganacsiga taas oo ay ula Tageen Madaxweyne Biixi uguna Sheegeen, in (Madaxweyne/Kuxigeenku), Cabdiraxmaan-Saylici uga Tanaasulayo Marba hadii aanu Mar sadexaad u Tartami Doonin Jagada Madaxweyne/Kuxigeenka si Wasiir Saajin Hadhaw labadaa Kursi isugu Qaato, taas oo uu Ka Aqbalay Madaxweynuhu Balse, Markii Si aad ah Looga Hadley isaguna ogaaday inaan Saylici ka Tanaasuleyn Kursiga Hogaanka Xisbiga Kulan uu Goobjoog ka ahaa Ay Isugu Yimaadeen Arintaasina Beenowdey.

 

 

Waxa Haddana Mar Kale, uu Madaxweyne Biixi Arinta Dib ugu Celiyay In ay iyagu Kawada hadlaan oo ay Gaar isugu Arkaan Kadib Markii Habeen hore, ay Kulan wada yeesheen Waxa uu Dhinac Walibanka hadley Aragtidiisa Haseyeeshee, Waxa isagu is Adkeeyay Wasiir Saajin, is adkayntaas oo Madaxweyne/Kuxigeenku Gaashaanka Ku Dhuftey in aanu Meelna Xaq ugu laheyn Sharcina u ogolaanayn in uu Ku Tartami karro Kursigaasi marka loo eego Shuruucda Xisbiga, Waxaana Tallo ka Dhiibtey Gudoomiye/Kuxigeenka 1aad Ee Golaha Wakiilada Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo isagu la Aragti noqdey Madaxweyne/Kuxigeenka Inkastoo aanu Wasiir Saajin Sugin Talada ay Ku Darsan Lahaayeen Odoyaashii La Socdey oo kala ahaa Gudoomiye Saleebaan iyo Agaasimihii Hore Ee Waaxda Maamulka Lacagta Wasaarada Waxbarashada Xiligii Rayaale Ibraahim Wuxuu Wasiirku Boobay albaabka Shirkuna sidaas ayuu ku burburey.

 

 

Haddaba Su,aasha Isweydiinta Mudan ayaa ah Arintan Sidee ayay u arkaan Reer Awdal, inta ugu badan ee Rayulcaamka Bulshada iyo Siyaadiyiinta Kasoo Jeeda Gobolka Awdal ayaa Aaminsan in Kursigaasi Wax la qabayo Kuwa kale ee Xisbiga Sidaa daraadeedna ay Tahey Arinta ay Waddaan Saleebaan iyo Saajin Mid feedha-Jeex ah oo Taageero Mug iyo miisaan leh Mar walba u sameynaysa Cabdiraxmaan-Saylici Aragtida Reer Awdal Sida uu Hadda Aaminsan yahey Gudoomiye/Kuxigeenka Koowaad ee Golaha Wakiilada Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, oo ay inta ugu Badan Ee Bulshada Awdal Kalsooni Dheeraad ah ku qabaan Waxaanay Dad badani Aaminsan yihiin in ay Tani Ku Noqonayso Madaxweyne Muuse Biixi Talaabo kale oo Hor leh oo ay Isku Maandhaafi Doonaan Reer Awdal, Tusaale ahaa  Marba hadii aanu Pro. Saleebaan Badheedhihiisa Dibada usoo Sabri Karin oo Mar Walba daaha Dambe u Taagan Yahey, Wasiirkuna aanu Saamayn ku laheyn Bulshada Gobolka oo aaney Waxba Uga suurtagalayn Magaca Guud ee uu Ku damacsan Yahey in Lagu soo Xero galin Karo Waxa Caqabad ku ah Mar Kasta Diidmada laga Qabo dhageysiga Saleebaan ee Muuse Biixi Kalidii Isku Koobayo Taas oo uu ku Waayayo Mustaqbalka Aqlabiyada Awdal.

 

Lasoco

 

Loading...
Loading...