RAMAAX Oo Xukuumadda Biixi Ku Tilmaamay Mid Ka Gaabisay Hawlihii Loo Igmaday

0
Monday September 14, 2020 - 17:43:13 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1380
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    RAMAAX Oo Xukuumadda Biixi Ku Tilmaamay Mid Ka Gaabisay Hawlihii Loo Igmaday

    RAMAAX Oo Xukuumadda Biixi Ku Tilmaamay Mid Ka Gaabisay Hawlihii Loo Igmaday

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

RAMAAX Oo Xukuumadda Biixi Ku Tilmaamay Mid Ka Gaabisay Hawlihii Loo Igmaday

Hargeisa(HWN):-Xoghayaha arrimaha bulshadda ee Xisbiga UCID Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), waxa uu ka dayriyay Xaaladda siyaasaddeed ee gobolka Awdal.
Ramaax oo ka gubtey eedaymo loo jeediyay saxaafadana weeraray - ARAABINEWS.COM | ARAABINEWS.COM


Siyaasi Ramaax waxa uu sheegay in khaladka ugu wayn ay leeyihiin Baarlamaanka iyo Xukuumaddu, waxaannu Xukuumadda Muuse Biixi ku tilmaamay mid ka gaabisay hawlihii shacabku u doortay saddex sanaddood ka hor.

"Eedda cidii lahayd markay iska soo riixday, Xukuumadduna dedaalkii iyo culayskii looga baahnaa may samayn ee lagu qasbi lahaa in Baarlamaanku xal keennaan. Sidii uu Daahir Rayaale maalintii dhawayd uu sheegay tiradda la doono ayaa lagu dari karraa, maaha wax hawl leh, Distoorka ayaa la furri karraa, sidii hore ayaa lagu gali karraa, laakiin haddaad Xalka ka baqato maxay ummaddu kuu dooratay?

Imika Madaxweynuhu wuxuu haystaa awooddii fullinta ee magacaabista Hay'addaha dawliga ah oo dhan, waxaan leeyahay saami-qaybsiga ummadda halkaas ka soo bilow horta. Ninka Saaxil jooga iyo Ninka Boorama jooggaa waa isku dan, laakiin kuwii ay doorteen ayaa magacyo u kala bixiyay oo Xisbigaas KULMIYE ugu horreeyo oo hadda talada dalka hayay 11 sanaddood, wakhtigii la doortayna 600 oo habbeen ayaa u hadhsan." Ayuu yidhi Ramaax

Loading...
Loading...