Khasaare Ka Dhashay God Dahab Laga Qoddaayay Oo Ku Dumay Dad Shacab Ah

0
Monday September 14, 2020 - 17:18:18 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1675
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khasaare Ka Dhashay God Dahab Laga Qoddaayay Oo Ku Dumay Dad Shacab Ah

    Khasaare Ka Dhashay God Dahab Laga Qoddaayay Oo Ku Dumay Dad Shacab Ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaare Ka Dhashay God Dahab Laga Qoddaayay Oo Ku Dumay Dad Shacab Ah

Hargeisa(HWN):-Wararka ka imaanaya gobolka Sanaag ayaa sheegaya in uu khasaare dhimasho iyo dhaawac ah ka dhashay, kadib markii sida la sheegay uu ku dumay god dahab laga qodaayay oo ku yaalla degmada Laas-qoray ee gobolka Sanaag.
Khasaaro ka dhashay god dahabka laga qodayay oo ku dumay gobolka Sanaag


Inta la xaqiijiyay hal ruux ayaa ku dhintay, laba kalena dhaawacyo culus ayaa ka soo gaadhay God ay dad shacab ahi ka qodanayeen sida la sheegay Dahab oo ku yaalla deegaan lagu magacaabo Milxo oo 27 KM u jira degmada Laas-qoray.

Goobjooge Cabdirisaaq Cali Qoslaaye oo la hadlay laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa sheegay in goobta uu Godka ku dumay ay u soo shaqo tagaan dad ka badan 3,000 oo ruux oo isugu jira reer Miyi ah iyo kuwo ka yimaadda magaallooyinka waa-wayn.

Dadkan dahabka qoda oo markii hore u badnaa reer Miyi ayaa haatan waxaa shaqada ku soo biiray dhallinyarada wax ka barata qaar ka mid Dugsiyadda iyo Jaamacaddaha maamulka Puntland.

Goobjoogahan ayaa VOA-da u sheegay in dhagaxdan dahabka ah ay ka iibsadaan shirkado Ganacsi oo iyagu sii dhoofiya dahabka.

Loading...
Loading...