Mujaahid Sheegay In Aan Xukuumada Muuse Biixi Ka Qaban Jidka Ceerigaabo Wax Muuqda

0
Monday September 14, 2020 - 15:57:38 in News by
  • Visits: 1653
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mujaahid Sheegay In Aan Xukuumada Muuse Biixi Ka Qaban Jidka Ceerigaabo Wax Muuqda

    "jidkii isku xidhayey Ceerigaabo iyo Burco weli waa faanoole fari kama qodna"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"jidkii isku xidhayey Ceerigaabo iyo Burco weli waa faanoole fari kama qodna"

Hargeysa, (HWN)- Mujaahid Cabdiqaadir Cumar Yuusuf ayaa sheegay in aan jidka isku xidha Ceerigaabo iyo Burco aanay weli fari ka qodnayn, isla markaana aanu dhammaanay inta ka hadhay muddo xileedka Madaxweyne Biixi,waxaanu xusay in saddexdii sanno ee uu Madaxweyne Biixi xilka hayey in aan wadadaas wax baddan laga qaban



Mujaahid Cabdiqaadir Cumar oo u warramayey Wargeyska Foore ayaa waxa kale oo uu ka hadlay Biyaha Magaalada Ceerigaabo, kuwaas oo muddooyinkii u dambeeyey ay cabashooyin ka muujinayeen shacabka Magaalada Ceerigaabo .


Cabdiqaadir Cumar Yusuf ayaa haddalkiisu u dhignaa sidan:- "jidkii isku xidhayey Ceerigaabo iyo Burco weli waa faanoole fari kama qodna, jidkaas waxaan aaminsanay in labada sanno ee uga hadhay muddo xileedka Madaxweye Muuse Biixi in aanay Xukuumaddu ku guulaysanay dhammaystirkiisa,waxa nasiib darro ah in saddexdii sanno ee uu xilka hayey Madaxweyne Muuse aan wax-ba laga qaban macno leh jidkaas,wixii ay qabteena wax tayo leh may ahayn oo daadka ayaa qaaday,sannadkaa hadda sii dhammaanaya wax laga qabtay oo ay Xukuumaddu ka qabatay wadadaas oo la taaban karaa ma jirto ..”Ayuu yidhi


Mujaahid Cabdiqaadir oo haddalkiisa siiwata ayaa bulshada reer Sannaag ugu baaqay inay gacmaha isku qabsadaan sidii ay u dhammaystiran lahayeen jidkaasi "Waxaan ugu baaqayaa dadka gobolka sanaag inay tashadaan sidii ay wadadaas u dhammaystiran lahayeen iyagu sidii ay horre ugu tashadeen,maanta waxa looga baahan yahay inay gacmaha isku qabsadaan dhammaystirka dariiqaas.” Ayuu yidhi.


Dhanka kalena Mujaahid Cabdiqaadi Cumar ayaa ka hadlay biyaha Magaalada Ceerigaabo, kuwaas oo maalmihii u dambeeyey ay qaar kamid ah Bulshada ku dhaqan Magaalada Ceerigaabo ay cabasho la xidhiidha arrintaasi muujinayeen " Ceerigaabo ma jirto biyo la’aan haysataa maanta, lakiin kuwa ku andacoonaya Ceerigaabo waa biyo la’aan been ayey sheegayaan waana shaqsiyaad danno gaar ah leh ,Magaalada Biyuhu wey ku jiraan mana go’aan habeen iyo maalin,xaafadaha aanay ku jirina qasabadaha biyuhu, booyaddo ayey ku cabaan.”Ayuu yidhi Cabdiqaadir


Loading...
Loading...