Dagaal Ka Dhacay Tukaraq Iyo Wararkii u dambeeyay Xaaladda Deegaankaas

0
Monday September 14, 2020 - 15:40:46 in News by A. Asbaro
  • Visits: 3890
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Dagaal Ka Dhacay Tukaraq Iyo Wararkii u dambeeyay Xaaladda Deegaankaas

    Dagaal Ka Dhacay Tukaraq Iyo Wararkii u dambeeyay Xaaladda Deegaankaas

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaal Ka Dhacay Tukaraq Iyo Wararkii u dambeeyay Xaaladda Deegaankaas

Hargeisa(HWN):-Koox uu hoggaamiyo Korneyl Faysal Falaalug oo la magac baxday dib u xoreynta (SSC) ayaa weerar culus ku qaaday saldhigga Ciiddammada Somaliland ay ku leeyihiin gobolka Sool.



Ciiddammada Falaalug ayaa weerar ku qaaday Saldhigaasi oo ku yaalla deegaanka Xagarrey oo ka tirsan degmada Tukuraq ee gobolkaasi,halkaas oo ay ku sugnaayeen Ciiddammo tiro badan ka tirsan Ciiddanka qaranka Somaliland.
Breaking News Screen – KCHA News

Weerarkaasi ayaa waxa iska caabin xooggan kala hortagay ciidammadii ku sugnaa saldhigaasi, taasi oo keentay in iska hor imaad saacado kooban ah uu dhex-maro ciidammada Somaliland iyo kuwa jabhada Falaalug.

Dagaalkaasi ayaa waxa ka dhashay khasaaro labada dhinac ah, sida ay dad deegaanka ah u sheegeen, inkasta oo ilaa hadda si rasmi ah loo ogeyn khasaaraha dhabta ah.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Hay'addaha Amniga iyo Xukuumadda Somaliland midkoodna oo ku saabsan dagaalka ka dhacay deegaanka Tukaraq, hase-yeeshee waxa suurto-gal ah inay saacaddaha soo socda war ka soo saarraan Taliska guud ee Ciiddanka qaranka Somaliland.

Maaha markii u horeysay ee Jabhadda la magac baxday dib u xoraynta SSC ee uu hoggaamiyo Korneyl Faysal Falaalug ay weerar ku qaadan saldhigyada ciidammad qaranka Somaliland, iyada oo marar hore oo dhowr ah ay sidan oo kale u weerareen.

Loading...
Loading...