Raysal Wasaare Khayre Oo Ka Hadlay Dib Uhabayn Lagu Samaynayo Dhaqaalaha Somaliya
Raysal wasaaraha ayaa sidoo kale beeniyay inay mucaaradka aan hubaysnayn ee ka soo horjeeda dawlada u isticmaalin awood
"Anaga cidna xoog kuma muquunino laakiin dhaqanka dowladnimo, ayaa wuxuu yahay haddii aad rabtid inaad dhaqaalaha dib u habeyn ku sameyso waa in musuq maasuqa lala dagaalamaa, waxaan aaminsahay shacabka Somaliyed intooda badan inay indhahooda macalin yihiin, waxaan balan qaadnay dhaqaalaha dib u habeyn inaan ku sameyn doono, waxaan balan qaadnay in Ciidamada dib u habeyn aan ku sameynayno waa adigaa arkay, waxaan balan qaadnay aniga & Madaxweynaha in aan ka duwanaan doono madaxdii dalkaan ka soo shaqeysay oo labadii sano ee la soo dhaafay si dhab ah ayaan u wada shaqeynay.” Ayuu yidhi Ra’iisul Wasaare Khayre.
Inkastoo Ra’iisul Wasaaraha uu difaacay Xukuumadiisa, haddana waxaa xusid mudan in mucaaradka aan hubaysnayn dowladda awood u adeegsatay, sidoo kalena caburin badan lagu sameeyay Warbaahinta oo xogaha ay ka helaan Xafiisyada Madaxda ay tahay mid kooban.