Siyaasi Maxamuud Xaashi Xaggee Ka Bilaabi Doonnaa Dagaal Siyaasaddeedkiisa Ka Dhanka Ah KULMIYE?!

0
Monday September 14, 2020 - 11:16:45 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1865
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Siyaasi Maxamuud Xaashi Xaggee Ka Bilaabi Doonnaa Dagaal Siyaasaddeedkiisa Ka Dhanka Ah KULMIYE?!

    "Waxaan leeyahay tageerayaashayda ha niyad jabina waxaynu gelaynaa dagaal addag"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxaan leeyahay tageerayaashayda ha niyad jabina waxaynu gelaynaa dagaal addag"

Hargeysa (HWN)- Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiirkii hore ee Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland ayaa toddobaadkii hore iclaamiyey dagaal siyaasadeed, kaasi oo uu ku sheegay inuu yahay mid uu dib ugu soo celinayo Xisbiga KULMIYE, Arrin uu ugu yeedhay ku soo celinta tubtii toosnayd ee xisbiga KULMIYE.

 

Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa dagaal siyaasaddeedkaas iclaamiyey,kadib markii uu ka biyo diiday qaabka ay u socoto qaban-qaabada shirwanaha Afraad ee Xisbiga KULMIYE, kaasi oo laba toddobaad kadib ka qabsoomaya Magaalada Hargeysa."Waxaan leeyahay tageerayaashayda ha niyad jabina waxaynu gelaynaa dagaal addag oo aynu dib ugu soo celinayno Xisbigeenii tubtii saxda ahayd.” Ayuu yidhi Xaashi

 

Dhanka kalene Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiirkii hore ee wasaaradaha Madaxtooyada iyo Duulista ee xukuumaddii Madaxweyne Axmed Silaanyo oo sheegay in aanu ka qayb-geli doonin shir weynaha afraad ee Xisbiga KULMIYE ayaa u muuqda mid dagaal siyaasaddeedkiisa ka bilaabaya xayndaabka dambe ee Xisbiga,madaama oo aanu wax xil ah oo buuran ka hayn xisbga,isla markaana uu hadda debad joog ka yahay,marka laga tago xubinimadiisa golaha dhexe ee Xisbiga,taasi oo aan wax awood ah oo miisaan leh oo uu ku dagaal geli karro ahayn xaaladan, balse waxa la filayaa inuu isku dayo wax kasta oo uu ku wiiqi karro awooda Xisbiga KULMIYE, isla markaana uu dagaal jihooyin baddan uu ku soo qaadi doono Xukuumadda uu qaybta ka ahaa dhismaheedii.

 

Geesta kalene Siyaasi Maxamuud Xaashi ayaa la sadaalinayaa inuu dagaal siyaasaddeedkiisa ka dhanka ah  hoggaanka KULMIYE inuu noqon doono mid uu gabood iyo dhufays uu kasoo dhigan doono mid kamid ah labada Xisbi mucaarad ee UCID iyo WADDANI "Madaxweyne Muuse waxaan leeyahay ismaroorinta iyo is macashiinta kaa muuqata ma noqon doonto mid aad mahadiso mustaqbalka dhaw.” Ayuu yidhi Xaashi.

 

Siddoo kalena Siyaasi Maxamuud Xaashi ayaa waxa laga filan karraa inuu dagaal siyaasaddeedkiisa ka dhanka KULMIYAHA cusub uu noqon doono mid ay soo gallaan madax-dhaqameedka Beeshiisa,kuwaas oo ku gorgortami doonna heshiisyaddii ay la galeen Madaxweyne Biixi iyo beeshiisa ee ahaa wareejinta Guddoomiyenimada Xisbiga KULMIYE,isla markaana waxa la nawilayaa inay jid kasta u mari doona sidii ay Hoggaanka Xisbiga gacanta ugu dhigi lahayeen beeshaasi,haseyeeshee haddii ay taas ku guuldaraystaan waxa la dhawrayaa tallaabada xigta ee ay qaadi doonaan waxay noqon doonto.

 

Taageerayaal kala duwan oo dalka gudihiisa iyo dibaddiisa ku sugan ayaa qaarkood kulamo hoose lahaayeen toddobaadkan iyaga oo ka arrinsanayay xaaladda siyaasadeed ee xisbigooda KULMIYE.

 

Si kastaba ha-ahaatee Siyaasi Maxamuud Xaashi ayaa la sadaalinayaa inuu dagaal siyaasaddeedkiisa uu iclaamiyey ee ka dhanka ah hoggaanka Xisbiga KULMIYE uu noqon doono mid jihooyin baddan leh,isla markaana wejiyo kale gedisan leh, waxaana la filayaa inuu addeegsato xeeladihiisa siyaasaddeed, tu deegaan iyo isbahaysiyo abuurma oo ka dhan ah nidaamka cusub ee KULMIYE, waxaanu dhawrnaaba waa halka uu ku dambeeyo dagaal Siyaasaddeedka Siyaasi Maxamuud Xaashi uu sheegay inuu dib ugu soo celinayo Xisbiga KULMIYE oo uu sheegay inuu ka leexday jidkii toosnaa.


Loading...
Loading...