Madaxweyne Waare Oo Kulan Gaar Ah La Yeeshay Donald Yamamoto

0
Monday September 14, 2020 - 09:59:13 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1135
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Waare Oo Kulan Gaar Ah La Yeeshay Donald Yamamoto

    Safiir Donald Yamamoto ayaa Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Safiir Donald Yamamoto ayaa Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare




Madaxweyaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa kulan kula qaatay Magaalada Muqdisho Safiirka dowladda Mareykanka u fadhiya dalka Soomaaliya Donald Yamamoto.

 

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka gaar ahaan Arrimaha doorashooyinka 2020/2021 iyo heshiisyada ay gaarayaan Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada dalka.

Safiir Donald Yamamoto ayaa Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ku boggaadiyay sida uu u raadinayo dib u heshiisiin wadajir ah oo loo dhan yahay, isla markaana lagu gaaro hannaan Doorasho oo waqtigeeda ku dhacda.

 

Waare oo qoraal soo saaray ayuu Safiir Yamamoto iyo dowladda Mareykanka uga mahadceliyay taageerada ballaaran ay la garab taagan yihiin Soomaaliya iyo arrimaha doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan dammaadka sanadkaan.

 

Si kastaba Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa maalmihii lasoo dhaafay waday kulamo gaar gaar ah uu la qaadanayay Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada dalka oo ku sugan Magaalada Muqdisho, iyadoo kulamada looga hadlay xaaladda dalka iyo arrinta Doorashada.



Loading...
Loading...