Nin Fal Ka Geystay Dhuusamareeb Oo Gacanta Lagu Dhigay
Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa xalay ka dhacay fal la xiriira in nin uu Nin kale Tooreey ku dhaawaco,kadibna uu baxsado, hayeeshee ay Ciidamada Booliska Ganacta ku dhigeen.
Ninka Tooreeyda lagu dhaawacay ayaa waxaa lagu Magacabaa Maxamed Saciid Xaashi,waxaana la sheegay in Ninka tooreyda ku dhaawacay iyo isaga ay meel ka wada Shaqeyn jireen, isla markaana uu ka dhaxeeyay muran ku saabsan dhinaca mushaaraadka.
Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in Ninka tooreeyda dhowr meelood oo jirkiisa ah lagu dhuftay, isla markaana haatan lagu daweynayao Ibsitaalka Guud ee Magaalada Dhuusamareeb.
Taliyaha Booliska Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in howlgal ay sameeyeen Ciidamada Booliska Dhuusamareeb inay gacanta kusoo dhigeen Ninkii Ninka kale tooreeyda ku dhaawacay.
Waxaa uu sheegay in xaalada Caafimaad ee dhibbane Maxamed Saciid Xaashi ay tahay mid wanaagsan, waxaana uu sheegay in wax lug ah aysan ku laheyn aanooyin qabiil dagaalka dhex-maray labada Nin.