Naqdi Buugga Soomaaliga F. 4aad ee dugsiyada sare: Nuqulka Soo Baxay2020. (Q. 5aad).

0
Monday September 14, 2020 - 09:43:57 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 290
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Naqdi Buugga Soomaaliga F. 4aad ee dugsiyada sare: Nuqulka Soo Baxay2020. (Q. 5aad).

    W/Q Siciid Gahayr.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q Siciid Gahayr.


Maqaalkan waxa aynu ku faallayn doonaa af-maldaha ama hummaagaynta oo ah hab loo qurxiyo macnaha ereyga, ahna qalab af kastaaba leeyahay. Waxa waajib loo arkay in fasal walba lagu daro af-maldaha ama hummaagaynta maansada.. Haddi fasalka kowaad ee dugsiga sare illaa fasalka afraad ee dugsiga sare la ii dhigo qaybaha af-maldaha, maxaa kordhaya? Wixii shalay aan bartay miyaanay ahayn in aan maanta wax ka geddisan dhigto?.

Waxa taas ka sii daran in qaar badan ardayda loo dhigo, la baro, lagu shubo oo la liqsiiyo iyaga oo qaldan, sida raadkaas maskaxdooda looga tiri karo, ee majara-habaabinta looga toosin karo ayaa adag. "Alif kaa qaldamaa, Albaqruu ku qaldaa” ayaa ay Soomaalidu tidhaahdaa. Waxa ila qurxoon in miis la isugu yimaaddo, laga doodo, lana sugo qeexitaankooda.

Muqarrarka fasalka 4aad waxa ku jira hummaagayn kala ah:

Afka maldaha:

1.1. Duurxul

1.2. shareere

1.3. sarbeeb

Waxa la soo celiyay kuwo aan 4aad ku jirin, ahaana fasallada 1aad, 2aad iyo 3aad oo kala ah:

1. Ekeeye

2. Buunbuunin

3. Qofayn

4. Legaaddo (Quusin)

5. Yamxeero (dayro)

6. Sillan-sugan

7. Astaan

8. Xus: waxa loo hoos geeyay qofaynta, si gurracan ayuu ugu jiraa.

Ma aragtaan? Meel loogu talo-galay saddex cashar ayaa 10-11 la geliyay. Taas micnaheedu waxa weeye in 16 bog oo abbaartan (mawduucani) ku qoran yahay ay ugu yaraan 70% ka mid ahi dheeraad iyo culays aan loo baahnayn yihiin. Qiilkee lagu dhaafay muqarrarka? Waa maxay baahida keentay in la biisaa?

Afar ka mid ah af-maldaha ayaa loo qeexay si aan sax ahayn. Waxa muuqata keliya in magacooda la arkay, la eegin waxa ay afafka dunida ku yihiin, la dhaadin macnahooda rasmiga, lagu buuxsaday qeexitaankii ay ula ekoonaatay, waxaanay kala yihiin astaamayn, xus, sillan-sugan iyo legaaddo. Afartaas waxa aan sheegi doonaa qeexitaankooda rasmiga ah, waxa aan burin doonaa sida loogu sharxay fasalka 4aad ee dugsiga sare. Bal ninka igu diidaya, ee abbaartan (mawduucan) uga aqoon badnaa Macallin Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye) IHUN ha ii yimaaddo

Astaan

Astaan: waxa uu buugga fasalka 4aad ku qeexay "Astaantu waa hadal ama tix ku saabsan xornimadii ama gobannimadii Soomaaliyeed”. Hal waa mid ka mid ah tusaaleyaasha astaamaynta.

Astaamayn (Symbolism): Waa marka fikrad aad gudbinayso aanad toos u sheegin/abbaarin ee aad astaan tibaax ka bixinaysa uun sheegtid.

Waxa tiraab ahaan tusaale u ah:

ü Dhexda ayaa aad farta ka qaniini doontaa,

ü Indhaha ayaa aan yar casaysanayaa,

ü Waxa uu noo soo galay isagoo madaxa is haya,

ü Lix aan haanta biyaha iska waraabin karin,

ü Maalintii aan hal naaskeed gaadhay,

Tusaaleyaasha astaamaynta ee tixda waxa ka mid ah:

Maansada anoo gaban yaraan, gaadh ka hayn jiray’e,

Gunti keliya anigoo leh baa, geedka lay diray! (Timacadde)

Calool jilicsanaa carruurtayda aabbahood,

Intuu i canaantay buu haddana Caasha-Luul i yidhi,

"Mar haddii raggu is galo,

Gallad kala dhaqaaqee,

Maradii gondaha tiil,

Waxaan geeyay lowgee,

Adiguna guntiga xidho” ”Xasan-Ganey”

.

”Waxba foox ma taro ruux jannada, fara ka yaaliine”

(Maxamed Cabdiraxmaan "Luggooyo”)

Xus

Xus (Allegory): Waa marka dhacdo hadda taagan lagu xidho dhacdo hore taariikhda u gashay, ama sheeko beryo hore dhacday. Waxa aad xasuusnaanaysaa in: dadka isku diinta ah iyo kuwa isku afka ahiba ay ka mid yihiin dadka leh Xusuus-Wadarreedda. Tusaaleyaal xus ayaa la hoos geeyay qofaynta, waana sheeko hore oo hal-abuur ka sameeyay maanso. Waxa aan ka xumahay in aanu xusku ku jirin af-maldaha maansada ee fasalka 4aad ee dugsiga sare, lana hoos geeyay laan uu ka madax bannaan yahay.

Timacadde oo qiso hore ugu xusnayd taariikhda Islaamka ku xidhay mid amintaas uu gabyayo taagnayd, waxa uu yidhi:

"Hal libaax dharqadayuu laf iyo, dhayba ka idleeyey,

Ha u dhuran dhurwaagii laftuu, dhuuxay eersaday’e” (Axmed-Qaasin)

"Maskii good ahaa iyo ninkii, loo gar qaadahayey,

Guurtida kolkii loo wacee, taladii loo guulay,

Cid gun gaadha xaajada kolkii, goobta laga waayey,

Waxay gocatey ooy eersatoo, gebagebow diiday,

Waa maansaartu xididkay gashiyo, gabantey aaseen’e!” (Dhoodaan)

"Habartii docdeediyo,

Degelkay ku noolayd,

Daruuruhu ku hooreen,

Dadka wada hel mooddoo,

Daad wararac bay tidhi,

Waa se dumar’e yeelkeed” (Cabdi Iidaan Faarax)

Farqiga Legaaddada iyo Sillan-sugan: Legaaddadu ma quusin baa?

Sillan sugan: Waa isa seegga laba xaajo oo haddana macquul ah, waxaanay isku bah yihiin legaaddada.

Marka tiraabta tiraabta la joogo, waxa sillan-sugan tusaale u ah:

ü Haddii ay fooli timaaddo, gudo-qarsiimo hadhay,

ü Dayro hore deeq kama dhacdo,

Suugaanta ay sillan-sugantu ku jirto ee maansada waxa ka mid ah:

"Dhashaadey sugtaa xaajadaad, dhawrataa abid’e,

Nin dhirbaaxo-quudheed dugsaday, dhaqayadeed maalye,

Haddaad dhimato geeridu marbay, nolosha dhaantaaye,

Dhaqashiyo mar bay kaa yihiin, dhereggu xaaraane” (Salaan-Carrabay)

"Dacartuba marbay marlab dhashaa, muudsataa dhabaq’e

Waxan ahay macaan iyo qadhaadh, meel ku wada yaalle”

Legaaddo

Legaaddo (Irony): Legaaddada oo buuggu la mideeyay quusintu, waa isa seegga ama iska hor imaadka ka dhexeeya laba hummaag oo isku tuduc/kala tuduc ku sheegan. Legaaddadu inta badan ma aha macquul, Sillan-Sugantu se waa macquul.

Tiraabta legaaddada ah waxa tusaale u ah

ü Cay ka tegis leh iyo ammaan tixraac leh,

ü Dhallaankii hooyadii dhalmada baray,

ü Uur hooyo ayaa eex laga bartaa,

Maansada ay legaaddadu ku jirto waxa tusaale u ah:

Dhulka waan socdaa

Waanan dhaafsanee

Cirku waa dhow yahay

Waanu dheer yahee

Mar adoo iga dheer baan

Kuu dhawaaqayaa

Maadaama oo legaaddadii buugga fasalka 4aad hoos geeyay quusinta oo ay ka madax bannaan tahay, waxa ayaan-darro ah in tusaaleyaal badan oo legaaddo ah la hoos-geeyay sillan-sugan, iyada oo aan leegin ma isa-seeg maangal ah baa mise maangal maaha? Waxa aan leeyahay "Isa-seeg kastaa maaha sillan-sugan”.

La soco qaybta lixaad haddii Alle idmo

Siciid Maxamuud Gahayr(Hargeysaawi)

[email protected]


Lis Dairy

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...