Ereyga Magaalo, Q. 1aad:

0
Monday September 14, 2020 - 09:40:35 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1083
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ereyga Magaalo, Q. 1aad:

    Qore: Ahmed Osman Mohamed. (Aanis)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qore: Ahmed Osman Mohamed. (Aanis)
                                                 
Qormadan waxaan kusoo qaadanaynaa 
Ereyga 'magaalo' wuxuu ka kooban yahay labo erey oo kala ah "mag, iyo gaal" isku xirkooduna noqonaayo "mag-gaal", oo la micna ah halka magta geela lagu kala qaato, marka mag la bixinaayo ama la kala qaadanaayo.
Ereyga "gaal" waa geel", waxaa ereygaan "gaal" keydiyay afafka Kushitigga Bari, waxaana ka mid ah afafkaa ilaa hadda gaal u yaqaan geel:


1- Oromo                  gaal.          
2- Cafar                    gaal.
3-Maay/Digil            gaal.
4- Rendille                gaal.
5- Boni/Aweere       gaal.
6- Bayso                   gaal.
Waxaa kaloo jiri ereyo fara badan oo uu ku jiro ama ku lammaanan yahay ereygaan gaal sida
1- haruub-gaal; haruubka geela lagu liso.
2- xero-gaal, moorada geela
3- baar-gaal, tin kuruska geela, iyo meel/rug.
4- dabaggaalle, tunkulish.
5- san-gaalle, tixri gala sanka geele.
6- foorigaalle, foori geela lagu dheelmiyo
7- gaallays.
8- afagaalle
9- Gaal-jecel
10- Ab-gaal
11- Gaal-kacyo
12- Abaq-gaalaat
13- gaalahagoog
14- gaal-boor
15- gaal-dabar
16- gaal-jire (geel-jire).
17- gaal-midowle
18- gaal-oog
20- gaal-soor
21- gaal-xawaal
22- gaal-waaq
23- gaal-lays
24- gaal-layf
25- wan-gaal; caano, geel (Maay/Digil). 
26- gaal-jeel (Hadami).
27- Ur-gaalle
28- naaso-gaalle (naaso geel).
29- Malka-gaalle-kacyo.
30- laxow-gaal (urug ama TB ku dhacda geela).
31- Maalin gaal (socodka u dheer oo maalintii ah).
Iyo kuwa kaloo badan oo gaal ku lammaanan yahay. gaal sidoo kale waxaa loo yaqaana qofka aan Muslimka aheyn.  

Qore: AHMED OSMAN MOHAMED. (Aanis)

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...