'' Cabdi ibraahin Fayr ,Bir-labtii SNM ''.

0
Monday September 14, 2020 - 09:12:17 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 3119
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    '' Cabdi ibraahin Fayr ,Bir-labtii SNM ''.

    W/Q: Ahmed Nour Guruje

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Ahmed Nour Guruje

Aduunyadda halgan kasta oo soo maraa wuxuu soo saaraa halyeeyo halganka kasoo dhex baxa oo halganku daah-furro halyeynimadooda iyo hibooyinka gaarka ah ee ay leeyihiin .

 

Halgankii dulmigga diidka ahaa ee Latin America wuxuu soo saarey Che Genvaro , halgankii Afrikadda koonfureed wuxuu soo saarey Sammoro micheal iyo qaar kale , halgankii Falastiin Cali xasan salaama , sidaas oo kale , halgankii snm wuxuu soo saarey dhalinyaro kasoo dhex baxday oo ay ka mid ahaayeen , Harag-waafi , Cumar toori , jaamac doolaal iyo Cabdi Ibraahim Fayr bir-labtii snm .

 

Cabdi ibraahin Fayr oo ku magac dheeraa Cabdi fayr wuxuu ka tirsanaan jirey ciidamadi xooga dalka soomaaliyeed gaar ahaan qaybtii Cammaondowsta , tababarkiisa wuxuu ku qaatay Bali-doogle ka dibna wuxuu ka hawl-geli jirey xeraddi Manaas ee baydhabo .

 

1982 ayuu ku biirey jabhadi snm isagoo da yar , waxaanay markiiba isla jaanqaadeen Col Axmed mirre maxamed oo isaga laftiisu ahaa sarkaal comandowsa , isagga iyo saaxibadii doolaal iyo harag-waafina waxay noqdeen sarakiil xigeenadda la shaqeeya Axmed .

 

Cabdi fayr wuxuu ka mid ahaa aasaasayaashii guutadii Tawakal , waxaanu noqday taliye ku xigeenkii harag-waafi oo ahaa taliyihii koobaad ee guutadda tawakal .

 

Mudadii uu ahaa taliye xigeenka wuxuu caan ku noqday weeraradda is daba jooga ah ee snm ku qaadi jirtay wadanka gudihiisa , kuwaasoo isagga talaabi jirey Bariga Hargaysa ilaa Barigga Burco , iyagoo aan waxba iskagga tirin jirin cidnaba .

 

Markii Harag-waafi u banbaxay fulinta hawl-galada gaara ah Cabdi fayr wuxuu noqday Taliyaha guutadda tawakal , waxaanu sii xoojiyey weeraradii is daba jooga ahaa , Tuulooyinka ku yaala xuduudka Ina guuxaa ilaa Buuhoodle ma jirto goob aanu Cabdi fayr ka qayb gelin weeraradii snm ku qaaday haday jirtana maba badna .

 

Muddo kooban ayuu Cabdi fayr ku noqday nin caana oo meel walba lagga yaqaano , isagoo ka magac waynaaday saraakiishii snm in badan oo ka midda .

 

Cabdi wuxuu caan ku ahaa dagaalka jabhadaynta , weeraradda gaadmadda ah , duulaanadda meelaha fogfog ee aan lagga filanaynin weerarka iyo dhex gelista cadawga la dhex galo , waxaana jirtay in uu marar badan dhexgeli jirey cadowga isagoo iska dhigaya isla cadowga mararka qaarna khudbado ayaabu u jeedin jirey .

 

Dhinaca kale , cabdi muu ahayn saraakisha sawirada badan amaba Dire-dhabe iyo jigjiga joogi jirtay ee huteeladda ku xaragoota , hassa yeeshee wuxuu ahaa ragii wadan jirey baabuurtii Toyota ah ee uu ku xidhan yahay qoriga siikaawigu ku xaragoon jirtay ee aan lagga waayi jirin goobaha la isku haleelo .

 

Ugu dambayn , Cabdi Ibraahin fayr wuxuu ka mid ahaa hogaamiyeyaashii weerarkii taariikhda galay ee 27-may 1988 , markii dambana wuxuu ahaa hogaankii ciidamadii snm ee Gobolka sanaag , waxaanu ahaa markii ugu dambaysay Hawl-geliyaha guutaddii 9aad ee ururkii snm oo uu taliye ka ahaa saaxiibkii Axmed mirre maxamed .

 

Cabdi fayr isagoo ku jirra halgankii uu bilaabay 1982 ayuu ku geeriyooday Ceergaabo 1990 , isagoo aan marna bixinin surwaalkii shiingayga ahaa ee uu caanka ku ahaa iyo cumaamadii uu madaxa ku duuban jirey


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...