"Hadaan Dhergo La Iima Taag Helo Ee Nin Iska Kay Celiya Ha La Ii Soo Saaro"
Sheeko gaaban
Nin ayaa intuu aad u gaajooday tagay Makhaayad cuntatda samaysa cabaar ayuu Makhaayadii dhex meeraystay isaga oo Dadkii Makhaayada wax ka cunaayey ku war-wareegaya sidii Diyaarad Taayiradu u bixi waayeen, kii Makhaayada lahaa ayaa arkay Ninkan Miisaska wax lagu cunaayo ku meeraysanaya ee àan mar qudha fadhiisanahaynin.

Ninkii Makhaayada lahaa ayaa ku yidhi waar maxaa kaa si ah?
Fadhiiso oo wax dalbo dee ama meesha iskaga bax, waa ku sidee?
Ninkii waxa uu ku jawaabay waar Ninyahaw gaajo xun ayaa i haysa lacag aan cunto ku iibsadana ma haysto markaa Dadka ayaan islahaa cunto ha kaa bixiyaan.

Ninkii meesha lahaa ayaa ku yidhi anigaa kaa bixinayee waxaad rabto meesha ka cun oo ka fadhiiso umada oo wax dalbo.
Ninkii intuu fadhiistay ayuu Cunto badan dalbaday oo uu cunay, markii uu cuntadii uu ka dhergay ee uu faraxashay ayuu shaadhkii la baxay markaasuu intuu bood-booday sidii qoladii Feedhka ciyaari jirtay Ninkii Makhaayada lahaa ku yidhi " waar niyahaw hadaan dhergo ma tago aniguye Nin iska kay celiya ha la iisoo saaro"
Ninkii Makhaayada lahaa ayaa ilaahay yaab u keenay oo ka yaabay Ninkan uu raashinka siiyey ee Miskiinka ahaa ee intuu kibir dharkii la baxay hadana leh " Nin iska kay celiya ha la iisoo saaro"
Dadka sebanka jooga ayaa noocaas iminka ah, oo dadkii ayaa wada Reer Gaalkacyo noqday calashaan indho-adayg oo iminkadan ayaa sheeko sidaas u eegi ay ii muuqataa.
Allah Kariim.
Xaji Ibrahim.
Allah Kariim.
Xaji Ibrahim.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...