Xaakimka Ugu Sarreeya Hindiya Oo Lagu Eedeeyay Faro-Xumeyn

0
Sunday April 21, 2019 - 12:02:58 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1667
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xaakimka Ugu Sarreeya Hindiya Oo Lagu Eedeeyay Faro-Xumeyn

    Xaakimka ugu sarreeya Hindiya, Ranjan Gogoi,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xaakimka ugu sarreeya Hindiya, Ranjan Gogoi, ayaa lagu eedeeyay inuu faro-xumeyn kula kacay haweeney ka shaqeyn jirtay maxkamada gudoomiyaha ka yahay.


Haweeneyda oo 35 jir ah ayaa gudbisay dacwad ay ku sheegayso in bishii Oktoobar ee sanadkii hore uu xaakimka laba goor ku xadgudbay, xilligaasi oo ahayd waxyar uun kadib markii xilka loo magacaabay.



Waxa ay intaa ku dartay in qoyskeeda la dhibaateeyay markii ay diidday faro-xumeynta uga timid xaakimka.


Xaakim Gogoi oo war qoraal ah ka soo saaray eedeynta ayaa "si buuxda u beeniyay" waxaana uu ku tilmaamay isku day "xasillooni darro looga dhex abuurayo waaxda garsoorka".


Maxay haweeneyda ku dacwoonaysaa?


Eedeynta haweeneyda ayaa loo gudbiyay garsoorayaasha maxkamada ugu saraysa Hindiya.


Haweeneyda oo ah xaas la qabo, magaceedana aan la shaacin karin sida uu dhigayo sharciga Hindiya, ayaa sheegtay in faro-xumeynta ay dhacday 10-kii iyo 11-kii Oktoobar xilli ay ku sugnaayeen xafiis uu xaakimka ku leeyahay hoygiisa.


Waxa ay ku andacooneysaa in xaakim Gogoi uu "xabadka geliyay, isla markaana uu ka taabtay meelo badan oo jirkeeda ah, isagoo isku dhajinaya".


Markii uu joojin waayay ayay sheegtay inay ku qasbanaatay inay iska riixdo.


Haweeneyda ayaa sheegtay in Gogoi uu u sheegay in aanay cidna ku wargelin waxa dhexmaray, haddii kalena ay qoyskeeda la kulmi doonaan "dhibaatooyin waaweyn".


Waxa ay intaa ku dartay in saddex goor laga bedelay goobteedii shaqada oo loo wareejiyay meelo kale, ka hor intii aan bishii Disembar shaqada laga eryin. Waxa kale oo ay sheegtay in ninkeeda iyo walaalkeeda labaduba shaqadoodii laga jooiyay.


Bishii Maarso ayaa nin kamid ah dadka ku nool magaalada Jhajjar waxa uu dacwad ka gudbiyay haweeneydan isagoo sheegay inay usoo celin weyday lacag laaluush ahaan ay uga qaadatay si ay shaqo uga raadiso maxkamada.


Waa ay beenisay eedeyntaasi, waxaana ay sheegtay in isla bishaasi ay iyada iyo xubno ka tirsan qoyskeeda tageen saldhig boolis halkaasoo lagu aflagaadeeyay.

"Waxay u muuqataa in cagajugleynta, dhibaatada iyo jirdilka aanay joogsan doonin ilaa iyo inta aan ka sheegayo halka uu arinka ka soo bilowday iyo ujeedada laga leeyahay," ayay ku sheegtay warqada dacwada ah ee ay u dirtay maxkamada.


Muxuu eedeynta ka yiri xaakim Gogoi ?

Qoraal ka soo baxay xafiiska xoghayaha guud ee maxkamada ugu saraysa Hindiya oo wakiil ka ah xaakimka ayaa ugu horreyn looga jawaabay eedeynta.


Waxaa qoraalka lagu sheegay in eedeymaha ay "gebi ahaanba been yihiin, si buuxdana uu u beeninayo".


Waxaa lagu sheegay in haweeneyda "aysan fursad u heli karin inay si toos ah ula tacaamusho xaakimka ugu sarreeya dalka".


Qoraalka ayaa tilmaamay eedeynta laaluush qaadashada ah ee loo jeediyay haweeneyda, waxaana lagu sheegay "inay u muuqato in eedeymaha been abuurka ah looga gol leeyahay xeelad cadaadis lagu saarayo dacwadaha kala duwan ee ay billaabeen maxkamadaha."


Waxaa sidoo kale qoraalka lagu sheegay in haweeneydaasi shaqada laga eryay "iyadoo la raacayo hannaanka saxda ah" kadib markii lagu helay "hab-dhaqan aan habooneyn".


Xaakim Gogoi ayaa qudhiisa Sabtidii arintan uga jawaabay guddi gaar ah oo ka tirsan maxkamada ugu saraysa Hindiya.

"Ma doonayo inaan sharafteyda hoos u dhigo oo aan ka jawaabo eedeymahan," ayuu yiri, isagoo intaa ku daray "Si xushmad leh ayaan ula dhaqmaa dhammaan shaqaalaha maxkamada ugu saraysa dalka."


Waxa uu intaa ku daray inay jiraan xoogag isku dayaya inay xasillooni darro ka dhex abuuraan garsoorka ayna jiraan xoogag waaweyn oo ka dambeeya eedeymahaasi ka dhanka ah.


BBC

Loading...
Loading...