"Madaxweyne 4-tii Sanno, 40 Habeen Ayaa Kaa Xiga, Xukuumadaduna Way Fashilantay" Hogaamiye Xirsi
Hargeysa(HWN):-Hogaamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa soo bandhigay dhaliilaha isbiirsaday ee dul hoganaya Xukuumadda Muuse Biixi.
Hoggaamiye Xirsi oo maanta khudbad ka jeediyey munasibad loo qabtay dufcadii 17aad ee ka qalin jabisa jaamacada Hargeysa ayaa si gaar ah u soo bandhigay meelaha ay ku fashilantay xukuumada Muuse Biixi, isaga oo dareensiiyey in haatan ay fooda la galayaan sanadkii afaraad.
hogaamiye Xirsi waxa uu carabka ku dhuftay in xukuumada Muuse Biixi ku fashilantay dhismaha wadooyinka, waxbarashada iyo adeegyo kale oo muhiim ah, waxaanay khudbadiisu u dhignayd sidan:-
Madaxweyne Xukuumadada 4-Tii Sanno Afartan Habeenba Kaaga Dhiman, Anaguna Waa Kuu Tirineynaa. Madaxweyne xukuumadadu waxey ku fashilantey ,dhismaha wadada ceerigaabo iyo Dhismihii wadada berbera corridor.
Heerka Waxbarashada
Dhaqaalaha inagaga baxa waxbarashada $ 16 milyan waxa inaga bixiya ajaanib, marka miisaaniyadeena loo eego wali maynaan gaadhin oo aad waliba ku darteen qorshihii Kulmiye ee aad kursiga ku timid in aad daboolaysan oo dhammaystiraysan dhaqaalihii, hadda qabsoo anagu gaadh baanu kaa hayna oo maad gaadhin, lagaama hayo.
Waxbarashada gaarka loo leeyahay waxay aad uga cawdeen cadaadis la saaray oo ay ka mid tahay ardayga muwaadinka ah ee lacagtiisa wax ku bartay in la yidhaa waxa laga reebaya deeqaha waxbarasho oo ay cabasho arrintaa ku saabsan saxaafadda soo gaadhsiiyaan Dugsiyo boqol kun oo arday gacanta ku haya.
Mashaariicda waddooyinka.
Madaxweyne wadada Ceerigaabo waxay ahayd mashruuc Somaliland qabsato kii ugu balaadhna. Sanadkan bilawgiisii Ayaan gaadhigayga ku soo cabiray, waxa laga yaaba in laguu sheego ama aad lambarro dhegaysato, waxa qorshaysnayd in uu dhammaado 2016-kii, marka 96Km Ayaan dhammaystirnayn oo ah laba meelood meel ahaan iyada oo waliba intii samaysnayd soo gaadhay xilli dayactir lagu sameeyo, tacab badan baa iga galay oo maalin walba waan waraysta, todobaadkan waxay maraysa ku dhawaad 80KM, balk u darso oo labada sanno ee kuu hadhay waynu tartamayna oo doorashadii baynu gelayna.
Hadda ta aan fogayna waddadan aad cishadii dhawayd furtay 12KM ayaad saddexdii sanno ku dhammayseen, hadda waa wadadii aynaan inagu lacagta bixinayn ee ay bixinayeen Imaaraadku ee BERBERA CORRIDOR, waliba in aynu samaysan kari wayno ama wax inaga xumaadan mushkilad ba ma leh ee farsamo xumada xilligii horena aan ka digay haddana u arko in aanay sax ahayn waxa la qaaday wadadii 60Km oo laga dhigay garoon oo imika waxa ka samaysan 19Km meelaha (12Km iyo 7km oo dhawaan lagu daray), intii kale waa raf malaha madaxweynuhu beryahan Berbera uma bixine waa raf beerku ku cadaanayo, bal qabso madaxweyne mashruucii nooca ahaa ee lacagtiisa la inaga bixinayay isna waa ka halkaa maraya.