Is Waraysi Dhex Maray Kibirka Iyo Somalidda ( Abdi-Shotaly).

0
Sunday September 13, 2020 - 10:22:05 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1789
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Is Waraysi Dhex Maray Kibirka Iyo Somalidda ( Abdi-Shotaly).

    Qore:- Abdi-Shotaly.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qore:- Abdi-Shotaly.

  Somalidu afaf badan oo aduunka intiisa kale ama bani'aadamiku aqoon wixii aan somali ahayni, oo aanay ku hadlin bay taqaanaa. waxa-na sidaas kuu cadaynaa, iyaka oo waraystay gudinta, oo ay tidhi " Hadaanay qayb iga mid ahi kula jirin ima aad goyseen" intaas oo keliya kuma sina dhir, xayawaan iyo wax yaallo kaloo badan oo ay wareys-teen baa jira, sidda gorayadda oo ciyaar joogta, weydii-yeena waxay lug-na ciyaarta ula gashay, mid-na ay ay debedda u dhigtay? Iyana ay ugu jawaabtay " Waxan lugta keliya ciyaarta ula galay " Baqdin awgeed" waayo hadaan labada adin-ba la galo , oo ay wax dhacaan, intaan kala wadda baxaayo baa la igu soo gaadhayaa. Waxa kale oo ay wareys-teen shimbirka la yidhaaho " Ciyaw-ga" oo ay waydii-yeen isna, waxa ay isu raaci waayeen, ilayn weli lama arag laba ciyaw oo wadda socda sheeko iyo shaahide. Wuxu ku jawaaba isna. Niman-yahaw anana iskuma wacnin, hadaanu nahay reer " Ciyaw", oo dabeecad aanu ku wada socono ma lihin, xayawaanka kale-na waa noo wadda col ( xataa shimbiruhu), sidaas awgeed, waana-kaas dudumo casrkii iskaga dhawaaq-na. isku soo duub oo, afaf-kaas lagu wadda hadlay, waxay yihiin-ba waa la isku af gartay.

 

Hadaba hor-dhacaas dabadeed, afka la isku waraystay magaciisa adaa sheegiye, war bixin kooban iga hooya. Jaahil oo dhan anigaa u macalin ah, oo sidaan idhaaho u soco, buu u dhaqaaqaa. Gabay waxa aan ugu necebahay ka Ismaaciil Mire ee ahaa " Ragaw Kibirka waa lagu kufaa, kaa ha la ogaado" Waayo wuxu lid ku yahay waxan ifka u joogo. kolkan aan u soo noqdo xajadda cinwaanka ku qorane, Somalidda baa waxay xoog uga yaabtay, anshax xumidda uu leeyahay, waxa loo yaqaano "Kibirku" Mar kii ay qaadan kari waayeen, dhaqan ay dad aad u fara badan ku arkeen ama kala kulmeen, wax badan oo uu haleeyey, dar uu jar ka xooray, qaar awood aanay lahayn sheegtay, kuwo aan cid-ba wax u ogayn oo iyaku is cajebiyey, in kaloo hanti uu Eebbe ugu deeqay, ay is kala weynaadeen saboolka, kuwo qurux is biday, oo qof kaste xaqiraaya. waxaas oo dhan iyo malaayiin arimood oo aan la soo koobi karin, kolkii lagu sheegay ereyga " Kibir" Baa la doonay bal kibir waxa uu yahay?  In isaga laf-tiisa laga waraysto, Sababta uu waxan ugu samay-naayo makh-luuqa la yidhaaho dadka? Wax-yaabaha dhaqan xumidda ah wuxuu ugu kacaayo? Wuxu bani'aadamka ugu abuuraayo wax lala yaabo? Iyo arimo kaloo ciidaas camaaray ah. waxan necebahay buu yidhi " Mr Kibir" kuwa ka sheekeeya wax dhacay, mid aan karkaarka waydaariyey tusaale u soo qaata, kuwa yidhaaha waanu la tali-naynaa mid aan sito, oo aan beri hore la tegay iyo gebi ahaan-ba qof i waaniya, intaaba ma arki karo, waa cadaw-gayga, ilayn wax-ba iga yeeli-maayaane.

 

Iyaba waa yaab kale'e, wuxu ku jawwabay " Mr Kibir" iyana iga hoo. Ugu horayn qofka aan ka shaqaystaa, wuxu yahay mid sidiisa-ba u liita, oo dareen-sanayn in aan meel ka tuuraayo, moodaaya in aan wax u taraayo. dabeed waxan eegtaa, mid aan didsan karaayo, oo ii fuli-naaya waxa aan ka damacsa-nahay, Sidda marka aan arko mid caqli xun, baan basarka ka sii haleeyaa. Tusaale ahaan ku xoog is biday, baan maalmo sare u sii qaad-qaadaa, oo aan balaayo u buun-buuniyaa aan jirin, kuna idhaah-daa laguma dhaamee dhaqaaq, oo aan xadka sii dhaafiyaa, mid maal uu rabbi siiyey, wax kale isku mooday, aan ogayn-ba in illaahii siiyey uu kala noqon karo, baan ku idhaah-daa inta aan wax haysan ku digo, mid baan qab weyn iskaga abuuraa, oo aan dhegta u saaraa cid ku gaadhi karaysaa ma jirto. kuwa feedhaha waaweyn, waxan ku idhaahaa, cid walba adaa ka adag, ku waxan ku qanciyaa cid walba adaa u madax ah, ee sidaad doonto u soco, adaa lagu hoos joogaaye, ku awood baad leedahay baan ku lumiyaa, cid kaa saraysa ama wax ku yeeli kartaana ma jirto baan u laqimaa ( Sidda askarta Xaafad-tooyadda". Intaas markuu is raaciyey "Mr Kibir" Baa la yidhi, waxan ku waydiinay goor-maad soo dejisyaa dadka waasho? Wuxu yidhi, weligay cagaha uma dhigin, hadaan la iga dhicin qof aan qaatay, ee sidaas buu ku baxaa? Bal taariikh-dda dib u raaca, inta keligii taliye aan baradda ka saaray, cidi sooma koobi karto, Waxa la yidhi hadana yaad la col tahay? Wuxu yidhi, Waxan ugu colsa-nahay, oo aanan maqli karin, arkina karin, qof ka fekeraaya cidhib-tiisa dambe iyo ka wax u fiirsadda. ka wax la yaaba, ka kuwa aan la tago ku yidhaaha waad kibraysaan. Ugu dambayn waxa uu yidhi, ii amaan geliya dad-kayga, oo faraha kala baxa arima-hayga. Khaati mara baan idinka ahaye.

* N.B Ragaw Kibirka Waa Lagu Kufaa Kaa Ha La Ogaado!

Qore:- Abdi-Shotaly.

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...