Isbadal ka Siyaasadeed ee Xisbiga Kulmiye Ma Saamayn Doonna Murashaxa Madxwayne Ku Xigeen ee Xisbiga Waddani ?

0
Sunday September 13, 2020 - 10:15:04 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1046
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Isbadal ka Siyaasadeed ee Xisbiga Kulmiye Ma Saamayn Doonna Murashaxa Madxwayne Ku Xigeen ee Xisbiga Waddani ?

    W/Q. Mubaarik Keyse Fooje.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q. Mubaarik Keyse Fooje.

Sida illo Xogogaal u ah Xisbiga Faca weyn ee kulmiye ay sheegayaan Waxa Murshax Madxwayne ku Xigeen ka loo wadda ama loo badinayaa in lagu Doorto Wasiirka Ganacsiga Mr Saajin kaaso ay Gobol iyo Deegaan hoose kasoo wadda jeeddaan Maxamed Cali Oo ah Murshaxa Madxwayne ku Xigeen ee Xisbiga Waddani .



Arintaasi ayaa Saamayn weyn ku keenaysa Xisbiga Waddani Madaama uu Wasiir Saajin ka sharaxanyahay Xisbi hadda talladii Gacanta ugu jirto waxuuna Deegaankiisa ku Qancin karaa inu ugu dhawyahay Kursiga Madxwayne ku Xigeen ka ee Loo Ordaayo Madaama uu Badhi taaraayo Madxwayne kursigii ku Fadhiya kana sharaxanyhy Xisbi taladii Gacanta ugu jirto .

 

Hal Xidhaalahan ayaa saadaaliyaal Siyaasadeed ku Sheegeen inuu yahay midd Lagaga Guulaysan karo Xisbiga Waddani Oo hore Loogagag Guulaystay Doorashadii 2017  hadaanu Xisbiga Waddani Oo aan la dhayalsann karin la imaan Qorshe Cusub iyo Siyaasad kale .

Iswaydiimo Culus iyo Falaanqayno ayaa ka dhashay Shaxadda Cusub ee Kulmiye Dhigay waxayna kalifaysaa Oo Saamaynaysaa isbadal ku yimaadda Xisbiga Waddani Oo haatan ah Xisbiga Saxadda Kula Loollamaaya Xisbiga kulmiye  .

 

Maxay kula tahay  Kulmiye  Shaxadan Ma ku Guulaysan karaa ? Waddani Ma tahay inuu isbadal ku Sameeyo Murshaxa Isagoo ka Faidaysanaya Deegamadda kale Ee Gobolka Awdal Oo Dadka Qaar qabaan inay ka Cod badanyiin Beesha Makaahil Oo hadda Saxadda Siyaasadda Awdal ku Kaliyaysanaya Loollankeedda ? 

 

Mubaarik Fooje 

Hargeisa Somaliland

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...