Wareysi: Wax Badan Ka Ogow Geedkii Mooliga Ahaa Ee Laga Gooyey Buurta Daalo| Axmed Ibraahin Cawaale

0
Sunday September 13, 2020 - 09:56:04 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1058
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wareysi: Wax Badan Ka Ogow Geedkii Mooliga Ahaa Ee Laga Gooyey Buurta Daalo| Axmed Ibraahin Cawaale

    WQ: Cabdishakuur Muxumed Muuse "Heersare"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

WQ: Cabdishakuur Muxumed Muuse "Heersare"

Aqoonyahan Axmed Ibraahin Cawaale, oo ah deegaanjire aqoon durugsan u leh deegaanka, ayuu Cabdishakuur Muxumed Muuse "Heersare" ka wareystay sidii looga falceliyey geedkii Mooliga ahaa ee laga gooyey buurta Daalo, sidii uu geedku caanka u noqday, iyo geedku waxa uu yahay ba?


Bishii Julaay ee sannadkan (2020) ayey ahayd, markii ay Mooligan dhallinyaro kibir u la tegeen, iyagoo inta ay naftooda halis geliyeen, geedkaa haadaanta ka laalaada is ku soo dul sawireen. Markii uu sawirkaasi soo shaacbaxay, ayaa siyaabo ka la duwan looga falceliyey. Waxa dadka taabatay dhallinyaradaa naftooda khatarta ku biimaysay, is la markaa na sawirkaa geedka lagu soo galay uu dhib horseedi doono. Dad ka la duwan, ayaa geedka u arkay in uu halis yahay, nafo na uu galaafan doono, haddii aan tallaabo laga qaadin. Kuwo kale, waxa iyaga na u muuqatay in geedka iyo dadka la ka la badbaadiyo, oo laga gaashaanto waxyeello kasta oo iman karta. Dadka dadaalka danbe waday waxa ku jira, Axmed Ibraahin Cawaale, oo markii uu sawirka arkay ba olole ayuu galay, isaga oo ii sheegay in uu diyaar lahaa wixii qarash ku baxaya in deyr lagu xidho, halka geedka laga gelayo, si aanay cid danbe ugu dhawaan ama aanay u fuulin. Hidisahan na waxa uu la socodsiiyey wasiirka wasaaradda Deegaanka ee Somaliland, Shukri Xaaji Baandare.



Tallaabadaa fiican ee uu ku dhaqaaqi lahaa Axmed, waxa ka soo hormaray, go'aan ay gaadheen dhankii kale ee geedka cadawga u arkayey. Waxay guddoonsadeen in geedka dhagax lagu dilo. Waxa go'aankaa khaarijinta ah fuliyey askar ka tirsan ciidanka qaranka Somaliland, markii ay taariikhdu ahayd 05/08/2020. Waxa na goyntaas la fuliyey Waxay is tuseen in ay dhallinyarada halista ka badbaadiyaan, se geed qaaliya oo mudnaa in ay dhawraan oo ay badbaadiyaan, ayey haadaan ka tuureen. Way ka qabyaaladeeyeen saaxiibkay, oo caqli ku may darin waxii ay garaadkooda ku la faqeen!


[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...