Guurtida Somaliland Oo Mar Kale Guddi U Saaray Xeerka La Dagaalanka Mukhaadaraadka

0
Saturday September 12, 2020 - 17:19:02 in News by A. Asbaro
  • Visits: 915
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guurtida Somaliland Oo Mar Kale Guddi U Saaray Xeerka La Dagaalanka Mukhaadaraadka

    Guurtida Somaliland Oo Mar Kale Guddi U Saaray Xeerka La Dagaalanka Mukhaadaraadka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guurtida Somaliland Oo Mar Kale Guddi U Saaray Xeerka La Dagaalanka Mukhaadaraadka

Hargeisa(HWN):-Guddoomiye ku xigeenka koobaad ee golaha guurtidda Somaliland mudane Siciid Jaamac, ayaa sheegay in mar kale guddi ka kooban sagaal xubnood loo magacaabay ka soo tallo bixinta iyo soo naaqishida xeerka la dagaalanka mukhaadaraadka.



Guddoomiye ku xigeenka koobaad ee golaha guurtidda Somaliland mudane Siciid Jaamac

"Guddi gaara ayaynu u magacaabayna xeerka la dagaalanka maandooriyaha, sababto ah xeerku weli wuu isku dhex jiraa, waxaanu u baahan yahay in dib la isugu soo habeeyo, iyo distoor waafajin in wixii aan distoorka waafajisaneyn la soo waafajiyo, oo xeer saliima, oo isku habeysan oo aan iska hor imanayn oo aan shareecada islaamka ka hor imanayn golaha la hor keeno, intaasi kadibna goluhu u codeeyo waxaanay guddidu ka kooban tahay sagaal xubnood”

Loading...
Loading...