Kulamo Muqdisho xalay ku dhexmaray Madaxda maamulada qaar

0
Saturday September 12, 2020 - 11:01:09 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1090
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kulamo Muqdisho xalay ku dhexmaray Madaxda maamulada qaar

    Kulanka dhexmaray labada Madaxweyne Laftya-gareen iyo Saciid Deni ayaa waxaa uu ahaa mid

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulanka dhexmaray labada Madaxweyne Laftya-gareen iyo Saciid Deni ayaa waxaa uu ahaa mid




Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaaxalay kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan Muqdisho.

 

Kulanka dhexmaray labada Madaxweyne Laftya-gareen iyo Saciid Deni ayaa waxaa uu ahaa mid looga hadlay Arrimo kala duwan oo ay kamid yihiin xaaladda siyaasadeed ee dalka, marxalada kala guurka ah iyo arrimaha Doorashooyinka dalka ee 2020/2021.

Kulanka oo qaatay saacado badan ayaa waxaa looga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka u dhexeeya dowlad Goboleedyada Puntland iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya, isla markaanaku saleysan Arrimo kala duwan.

 

Afhayeenka Madaxtooyadda Koonfur Galbeed oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in kulankaas uu qeyb Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulkaas, Cali Saciid Fiqi iyo xubno kale.

 

Madaxweyneyaasha Puntland iyo Koonfur Galbeed oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii lasoo dhaafay waday kulamo kala duwan oo ay la qaadanayeen Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka ,Madaxweyneyaashii hore ee dalka, siyaasiin iyo Mas’uuliyiin kale.


Loading...
Loading...