Madaxweynaha Puntland Oo Ka Tacsiyeeyey Geerida Guddoomiyihii Rugta Ganacsiga Jubaland.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaaya magaciisa, kan Shacabka Puntland, iyo kan Goleyaasha Dowladda ayaa tiiraanyada la wadaagay shacabka Jubaland geerida naxdinta leh ee ku timi Alle naxariistii Janno haka waraabiyee Guddoomiyihii Rugta Ganacsiga Jubaland Shaafi Raabi Kaahin oo u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray qarax ay argagixisadu soo maleegtey maanta, kaasi oo ka dhacay Kismaayo.
Madaxweyne Deni ayaa Alle SWC u waydiiyey inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo marxuumka, isaga iyo muwaadiniinta kale ee ku waxyeelowdey qaraxaasi, samir iyo iimaanna Alle kasiiyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka Jubaland, eheladii, qaraabadii, qoyskii iyo asxaabtii, uu ka baxay marxuumku.
Sidoo kale Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Alle uga baryey intii dhaawacantay inuu u booga dhayo.
-DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!