'' Xeeladaha Siyaasadda ''.

0
Saturday September 12, 2020 - 09:58:43 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1038
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    '' Xeeladaha Siyaasadda ''.

    W/Q: Ahmed Nour Guruje

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Ahmed Nour Guruje

 

Dhawrkii cisho ee u danbeeyey dodaha siyaasadda ee maraykanku waxay u badnaayeen hadal maalin dhexdaas ah uu jeediyey Madaxwaynaha Maraykanka Donold trump , hadalkaas oo uu ku duray ciidamada maraykanka isagoo ku tilmaamay in yihin fuley dagaaladii ay galeena ay guul daraysteen .

 

Hadalkaas isaga ah waxaa ka daba qaatay mushaaxa xisbiga Dimuqraadiga ah ee Joe biden , kaasoo yidhi '' wiikaygu wuxuu ka hawl-galay ciraaq , biladna wuu soo qaatay fulayna maaha , hadalkii madaxwaynuhuna wuxuu meel ka dhac ku yahay askarta iyo waalidiintooda ''.

 

Doodu halkaa markay maraysay waxaa xadhkaha so goostay bulshadda ciidamadda oo ah bulsho balaadhan oo saamayn wayn leh , askartii gowday , kuwii fiidnaam , jananadii hawl-gabay odaygii Trump waa la gilgilay, waxaa ka dhacday caruur caruur aan la ciyaarin baa jirta .

 

Intaa ka dib khubaraddii Istaraajiyada xisbiga Jamuuriga ayaa soo dhex galay , waxaanay u dhigeen hadalkii Trump in aan madaxwaynuhu nabcayn cidanka , laakiin uu neceb yahay dagaaladda ay galeen oo uu ka hadlayay dagaaladda .

 

Si kastaba ahaatee , ilayn waa sanad doorasho iyo bilihii u danbeeyeye , Trump si uu ciidamada u dejiyo , wuxuu maanta oo ku beegann 11-septemper 2001 , dalacaado ku taxay xubno badan oo ka tirsan ciidamada , waxaanu ka jeediyay khudbado badan oo uu ku laab xadhanayo ciidamadda , dalaacada maanta oo aad u badnayd iyo biladaha la bixiyey na inkasto aanay ahayn wax madaxwaynuhu si toosa u fara geliyey hadana xiliga laggu soo beegay iyo sidda loo abaabulay iyo buunbuuninta looo sameeyey waa xeelad ka mid xeeladah siyaasadda .


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...