Naqdi Buugga Soomaaliga F. 4aad ee dugsiyada sare: Nuqulka Soo Baxay2020 ( 4aad)

0
Saturday September 12, 2020 - 09:46:21 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 210
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Naqdi Buugga Soomaaliga F. 4aad ee dugsiyada sare: Nuqulka Soo Baxay2020 ( 4aad)

    W/Q: Siciid Maxamuud Gahayr

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Siciid Maxamuud Gahayr



Qormadan 4aad waxa aan ku dul istaagi doonnaa Cutubka 3aad ee buugga oo ah Maansada (Gabayada, Geerrarada iyo Heesaha)

 

"Gabayada La Saaray, Aqoon-darrada Geeraarrada, Sharraxa Aan Loo Baahnayn, Hojis iyo Hooris La’aan, Tiraab Lagu Daray Tix, Hees Manhajka Laba Jeer Ku jirta +++”

 

45 bog oo ka bilaabmaya 30, kuna eg 74 waxa ku qoran maansada oo loo dhambalay gabayo, heeso iyo geeraarro. Waxa qaybtan kolka muqarrarka la joogo lagu daray bilihii iyo maalmihii hore ee Soomaalida. Hadal tiraab ah ayaa tixdii lagu daray, waxa ay ahayd in curisyada ama meelo kale la raaciyo, sidan ayaana buugga lagu yeelay waana cutubka 6aad. Maansooyin muqarrarka ugu jiray geeraar ahaan ayaa lagu beddelay jiiftooyin. Ma marka hore ayaan geeraarka iyo jiiftada la kala aqoon ee muqarrarka la dejinayo, mise xeelad ayaa looga jeedaa?

 

Raadraaca ku dhigan muqarrarkii la dejiyay 2015kii, ee qaybta maansadu waa sidan

1.      Maanso

1.1.Gabay:

1.1.1.      Macaan iyo Qadhaadh

1.1.2.      Amaanta riyaha 

1.1.3.      Macallimiinta: Gabaygan oo uu curiyay abwaankii weynaa ee Xaaji Aadan Axmed (Afqallooc) waa laga saaray guud ahaan manhajka, illaa hadda lama garanayo waxa lagu duray, maadaama oo uu ahaa gabay sharci ah.

1.1.4.      Waano

1.1.5.      Geela iyo Riyaha

1.1.6.      Orod xoogso

1.1.7.      Gabow iyo geeri

1.1.8.      Bilihii iyo Maalmihii Hore: Kuwani ma tix baa mise waa tiraab? Maxaa halkan lagala soo doonay?

 

Gabayga kowaad oo uu Axmed Ismaaciil Diiriye (Qaasin) curiyay looma samayn hordhac ku saabsan hal-abuurka sida goobta xilliga dhalashada, hanaqaadka, dhimashada iyo tilmaan dheeraad ah oo ay ardaydu ku aqoonsadaan. Sadarro badan waxa jebinaya higgaadda qallaafaha leh. Si ka duwan sidii uu caanka ku ahaa ayaa meelaha qaar loo qoray, bal luuqda Maxamed Mooge ee ka horraysa 1984kii iyo buugga 2016kii la qoray kee sax ah? Gabayga looma samaynnin hojis iyo hooris, markaas saw Guurow noqon maayo?

 

Gabayga labaad oo ah Orod Xoogso, waxa curiyay Abwaan Ismaaciil Mire, sida ka hore malaha hordhac hal-abuurka ku saabsan, higgaad toosan, hojis iyo mooris. Meerisyadiisa  waxa loo qoray si ka duwan sidii uu ahaa, ee ugu jiray Manhajkii Soomaaliya; inta meeriska kowaad la qoray ayaa laga booday ka 2aad, 3aad iyo 4aad. Waa meeriskii kowaad lagu xigsiiyay kii 15aad iyo kii 16aad, markaas ayaa 4aad la soo qaatay. Waxa isku xiga 1, 15, 16, 4, 5. Yaa xeerkii xigashada tixda ku tuntay?

 

Awal waxa uu ahaa:

1.      Caliyow xasuus kugu dullee, walad xumaadaaye

2.      Xaluun baan xaddaas gabay la kacay, oo xafiiltamaye

3.      Dhaqashaba ha xaalaysanine, maqal xuruuftayda

4.      Cabdi iyo Xuseen iyo Xirsi baa, kaa xusuus badane

5.      Xiniinyoolihii kula sinnaa, xoogsi buu tegaye

Lis Dairy


Imakana waa

1.      Caliyow xasuus kugu dullee walad xumaadaaye

2.      Wax badan baan xagaagii wan weyn xawda kuu jaraye

3.      Wax badan baan sidkaha kuu xayiray xaas walwaallada e

4.      Xiniinyoolihii kula sinnaa xoogsi buu tagaye

Boggaga 34-46 waxa lagu soo qaatay hal ciwaan oo muqarrarka ku jira, waana Geela iyo Riyaha. Hal cashar ayaad 12 bog ku jiraysaa. Ammaanta iyaha waxa isku taxay gabay 45 meeris/tuduc/beyd, oo aan hoos-u-deg iyo kala-fogayn lahayn.Geela waxa laga horraysiiyay laba bog oo sharrax ah, waa cilmi ku habboonaa in sayniska lagu dhigo, ama curiska lagu daro. Ma geela ayaa laga warramayay mise waxa loo baahnaa hordhac aan ka badnayn bog badhkii oo lagu sharraxo gabayga geela, ujeeddadiisa, qofka tiriiyay iwm? Haddiiba se gabayga geela ee Cumar Istareeliya ku jiray buugga fasalka 2aad, maxaa looga baahan yahay in geela lagaga noqdo?

 

Gabay kale oo geela ah baa lagu sidkay haddana. Waxa lagu sii nabay geeraar kale oo geela ka hadlaya, waa 140 meeris oo xidhiidhsan, taxan, sanka isku wada haya… Hal fakaag malaha. Hadda garo oo qaybtii gabayada ayaa geeraar lagu dhafay, ma gabayga iyo geeraadka ayaan la kala sooci karin? Gabay kale oo geela ah baa lagu sidkay haddana. Halkaas waxa aad uga sii gudbaysaa gabayga waano iyo gabayga gabaw iyo geeri oo sidii caanka ahayd u susumaya, qulqulaya oo is-wada haysta, aan lahaynna tuducayn (paragraphing), kana madhan hojis iyo hooris. Malaha waa guuroowyo?

 

Soomaalida ayaa tidhaahda "Hadal nin badiyay ma wada odhan, nin yareeyayna kama wada tegin”. Waa lagu daalayaa baristooda iyo barashadooda in lagu koobo 20 bog ayay ahayd oo tayo leh.

Abwaan Hadraawi ayaa yidhi:

"Saddex erey halkii dooni

Soddon yaanay kaa qaadan”

 

Geeraarrada iyo Heesaha

Muqarrarka laga dhisay manhajka ee la dejiyay 2015kii, waxa uu geeraarrada iyo heesaha u qorsheeyay sidan:

 

1.1.Geeraar:

1.1.1.      Casiisow waa mahaddaa: Waxa curiyay Abwaan Timacadde, waanu ku jiraa

1.1.2.      Dalxiis: Geeraarkan waxa lagu beddelay maanso uu curiyay Abwaan Xasan Muxumed Qalinle oo Jiifto ah, kana sheekaynaysa harada Figtooriya. Haddii la rabay in geeraar la qoro, maxaa keenay in jiifto loo rogo?

1.1.3.      Sayidka: Geeraar uu curiyay Sayid Maxamed Cabdalle Xasan oo fardaha ah ayaa ku jira. Sharrax ah bog iyo waxoogaa ayaa ka horreeya. 

1.1.4.      Af iyo Hadal: Kuma jiro manhajka geeraarkani, waxaana aan filayaa in halkiisa ay ku jirto maansada Tanaad ee Abwaan Gaarriye IHUN uu curiyay. Maansadan waxa laga horraysiiyay laba bog oo dheeraad ah, kuna saabsan guddidii qortay afka Soomaaliga.

 

1.2.Hees (casri)

1.2.1.      Beledweyn: Waa ay ku jirtaa, waxana curiyay Abwaan Hadraawi.

1.2.2.      Qaayo badan: Mooyi meel lagu dhaafay, kuma jirto heestani buugga

1.2.3.      Umul baa ilow dee: Waxa curiyay Xuseen Aw Faarax, waanay ku jirtaa. 

 

Innaga oo sheegnay in aanay manhajka ku jirin geeraarrada Dalxiis + af iyo hadal, halkoodana la geliyay laba jiifto, waxa sidoo kale lagu kordhiyay hees la yidhaahdo Ambaqaad. Haddii la raacayo raadraacii muqarrarka ee la dejiyay 2015kii, halkee ayaa buugga fasalka afraad lagaga soo daray heesta Ambaqaad ee uu curiyay Abwaan Siciid Saalax Axmed? Waxa ay ku jirtaa fasalka shanaad ee dugsiga dhexe, sidee ayay maanso ama hees qudhi ugu jiri kartaa dugsiyada dhexe iyo sare? Haddii xitaa qaybinta hal-abuurka lagu saleeyay gobollo, miyaa la waayay maanso kale oo Siciid Saalax Axmed leeyahay?

 

Waxa qaybtan laga saaray gabay iyo hees loo cuskaday inaanay ku jirin muqarrarkii 2015ka, laakiin waxa is-weyddiin leh halkee ayaa lagu gawracay ama lagu nacay gabaygii Macallimiinta ee Afqallooc, geerarraddii Dalxiis iyo Af iyo hadal oo lagu beddelay heeso, heesta qaayo badan oo aan la qorin iyo barta lagaga soo daray heesta Ambaqaad ee Siciid Saalax Axmed.

 

La soco qaybta shanaad haddii Alle idmo

Siciid Maxamuud Gahayr

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...