Ex. Wasiir Maxamed Biixi Yoonis Oo Beeniyay War Laga Baahiyay

0
Saturday September 12, 2020 - 09:11:56 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 5358
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ex. Wasiir Maxamed Biixi Yoonis Oo Beeniyay War Laga Baahiyay

    "warbaahintu waa inay ka digtoonaataa baahinta wararka aan xaqiiqada ahayn"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"warbaahintu waa inay ka digtoonaataa baahinta wararka aan xaqiiqada ahayn"

Hargaysa (HWN) Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa beeniyay war ay baahiyeen qaarkamid ah warbaahinta Somaliland, warkaasi oo  lagu dhaleeceeyay Siyaasiga Maxamuud Xaashi Cabdi.

 

Maxamed Biixi  ayaa been abuur cad ku tilmaamay warkan oo ay baahiyeen qaar ka mid ah warbaahinta ka hawl-gasha gudaha Somaliland.

 

Siyaasi Maxamed Biixi  oo warbaahinta lahadlay ayaa  sheegay in Maxamuud Xaashi uu yahay wasiir ay ka wadda tirsanaayeen xukuumaddii Madaxweyne Axmed Siilaanyo, isla markaana uu ixtiraam u hayo, waxaana ka mid ah hadalladiisii "waxaan beeninayaan warkaa lagu baahiyay warbaahinta qaar ka mid ah, Maxamuud Xaaahi waxa aanu ka wada tirsanayn xukuumaddii Madaxweyne Axmed Siilaanyo, waxaan u hayaa ixtiraam”.

 

 

Siyaasiga Maxamed Biixi Yoonis ayaa warbaahinta Somaliland ugu baaqay inay ka waantoobaan baahinta wararka been abuurka ah iyaga oo ilaashanaya sumcadooda waxaanu yidhi "warbaahintu waa inay ka digtoonaataa baahinta wararka aan xaqiiqada ahayn, waa inay ilaashadaan sumcadooda iyo kalsoonida bulshada ku xidhan wararkooda”


Loading...
Loading...