Aabo Laba Ciyaala Oo Uu Dhalay Ku Dhinteen Qarax Oo Ka Waramaya Dareenkiisa.

0
Friday September 11, 2020 - 18:16:07 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1651
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Aabo Laba Ciyaala Oo Uu Dhalay Ku Dhinteen Qarax Oo Ka Waramaya Dareenkiisa.

    "Musiibada ay carruurteyda ku dhinteen waxay qeyb ka tahay dhibaatooyinka ka taagan"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Musiibada ay carruurteyda ku dhinteen waxay qeyb ka tahay dhibaatooyinka ka taagan"


Qarax ka dhacay magaalada Muqdisho, maalintii Arbacada, waxaa dadkii ku dhintay ka mid ahaa laba wiil oo ahaa kaba-caseeyeyaal.



Aabahood, Cali Macalin Cabdiraxmaan, oo BBC Somali la hadlay wuxuu sheegay in wiil adeerkood dhalay oo la socday, oo ka badbaaday qaraxa, inuu reerka ku wargeliyay musaabadaas dhacday.


Qaraxa ay wiilshada ku dhinteen wuxuu ka dhacay meel u dhow Guriga Hooyooyiinka ee magaalada Muqdisho.


Labadadaan wiil ee qaraxa ku geeriyooday waxay da'ood kala ahayd 13 jir iyo 12 sano jiro. Qoyskooda waxay ka mid yihiin dadka barakacayaasha ah ee hadda ku nool xeryaha ku yaalla Muqdisho.


Cali Macallin wuxuu sheegay in uu aad uga naxay geerida wiilashiisa balse uu ku qanacsanyahay qadarta alle.


Wiilashada qaraxa ku dhintay aabahood, wuxuu leeyahay laba xaas, mana shaqeeyo. Wixii ay keenaan wiilashaas dhintay, Cabdinaasir iyo Cabdimaalik, ayeyna qoyska ku tiirsanaayeen, waxayna ka mid ahaayeen dadka u shaqeeya qoyska.


Waxay si gaar ah u taageerayeen hooyadood oo ay siin jireen wixii ay ka soo helaan shaqada caseynta kabaha.


"Caruurta ayaa mar walba ahaa kuwa isla socda maadama ay isku shaqo ahaayen, sidoo kalana ahaayen kuwo da' ahaan isku xigay," sida uu sheegay aabahood.


Dareenka waalidnimo

Cali Macalin ayaa sheegay in hadda u jiro culeys badan iyo murugo ay qoyska dareemayaan balse waxay "kaashanayaan sabar, maadaama aysan awoodin wax kale."


Wuxuu sidoo kale tilmaamay in aysan jirin cid uu dusha u saarinayo qaraxaas ay caruurtiisa ku dhinteen.


"Musiibada ay carruurteyda ku dhinteen waxay qeyb ka tahay dhibaatooyinka ka taagan dalka ee haysta bulshada Soomaaliyeed."


"Culeys weyn ayaan dareemaynaa. Dad guri kugula noolaa markaad waydo, in dareen ku taabanayo waa hubaal, waliba dareen aan la soo koobi karin marka innaga waa iska samreynaa koley, dad islaam ah ayaan nahay," ayuu yiri.


Qoyska labada carruurta ah ay ka baxeen waa barakacayaal ka soo cararay gobalka Bay kuna nool magaalada Muqdisho kuwaas oo ay horeyba u haysteen dhibaatooyin dhanka nolasha ah.


Qaraxa ay labada wiil uga dhinteenna wuxuu mugdi sii geliyay nolasha cakiran iyo ku tashigii qoyska ee wiilashii yar yara ee u shaqeynayay.


Qarixii hore ee naafeeyay wiilkiisa weyn

Cali Macalin Cabdiraxmaan, waxay dhacdan dambe timid isagoo weli dareemaya dhibaatadii wiilkiisa weyn ee Liibaan ka soo gaartay qarixii weerarkii hoteelka Naasa Hablood-2 ee magaalada Muqdisho oo dhacay 28 bishii Aktoobar, sannadkii 2017-kii.


Libaan ayaa ku naafoobay qaraxaas wuxuuna ku waayay qaybo ka mid ah xubnaha jirkiisa.


"Wiilkii weynaa ayaa qarxii Naasa Hablood iiga naafoobay; lug way ka go'an taha,y gacanna wuu ka jabay. Dhibkaas mar ayuu ilmaha iga soo gaaray, kana waa kii labaad Alxamdulilaah".


Inta badan dhibaatada ka dhalata qaraxyada iyo weerarada ka dhaca muqdisho ayaa si gaar ah u saameeya dadka nolosha la daalaadhacaya.


Bulshada qaarkood ayaa u gurmaday, balse way yartahay in wax la iska weydiiyo dhibaatada gaarta shacabka ee ka dhasha qaraxyada iyo falalka amnidarada ah.


Caruurta kabaha baalasha ayaa inta badan taga maqaayadaha iyo meelaha ay dadka isugu yimaadaan, maadama shaqadoodu ku xirantahay in ay helaan dad badan oo kabaha ay u tirtiraan.


Hoteellada iyo maqaayadaha oo u ah fursad shaqo ayna ka helaan shilimaad ay qoysaskooda ku kaalmeeyaan, haddana waa halis kale, maadaama ay ka mid yihiin goobaha la bartilmaameedsado.



BBC

Loading...
Loading...