Maxamuud Xaashi Iyo Dagaalkiisa Siyaasadeed.

0
Friday September 11, 2020 - 17:32:42 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1309
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Maxamuud Xaashi Iyo Dagaalkiisa Siyaasadeed.

    W/Q Suxufi Barkhad-ladiif Maxamed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q Suxufi Barkhad-ladiif Maxamed

Maxamuud Xaashi waa nin ku bixin kara damaciisa dhaqaale iyo dood, waa aftahan deegaankiisa u ah siyaasiga kowaad oo cid walba ka wata.



Hadii si madax banaan ugu tartamaan xisbiga dhexdiisa Maxamed kaahin iyo Maxamuud Xaashi waxa badinaya Xaashi waayo waa nin xodxodosho badan oo shir beeleedyada Xariif ku ah.


Hadii siyaasigu damaciisa lacag u quudhayo waxa uu leeyahay mustaqbal siyaasadeed.


Intii uu xilka hayey waxa uu sii maalgashaday dad badan oo kala jooga lixda gobol ha usii badnaato deegaankiisa.


Dadkuna inta badan waxay taageeraan qofka hanka sare leh waxayna Kaahin iyo Xaashi kala marayaan halkii shalay Biixi iyo Samaale kala marayeen.


Hadii deegaanka ay ka soo kala jeedaan Kaahin iyo Xaashi la kala waydiiyo keeba wax idin qabtay waxay kuu tilmaamayaan Xaashi.


Hadii la eegayo kaltanka siyaasada deegaankooda dhexdiisa waxa dood la qaadan karo keenaya Xaashi deegaankiisa, maadaama oo ay hore usoo dhiseen Siiilaanyo iyo saleebaan gaal, maanta ay doorkoodi yahay, sida Jamaal ugu tanaasulay Muuse oo kale .


Khudbadiisi maalintii dhowayd waxa uu taageero ka helay intii uu khudbadiisa kaga hadlay , waxaanu kasbaday sadex dhinac oo uu ka hadlay.


1. Mar waxa uu sheegay in deegaanadii soo doortay uu madaxweynuhu dagaal la gallay, waxaanu ka dareen qaadanay guuxa ka jira.


2. Wuxuu yidhi kulmiyihii hore ayuu neceb yahay si uu kulmiyihii hore oo cid walba lahaa taageero uga helo kuna diro xukuumadda.


3. Reer Boorama waxa uu u sheegay in kursigooda oo qudha lagu tartamayo, taasna ay ceeb ku tahay gobolka mar hadii aan kuraasta oo dhan lagu tartameen, qodobkaasi wuxuu abuurey guux kale oo suaal la iska waydiinayo sababta kooga oo qudha loogu tartamayo.


4. Waxa kale oo uu ka hadlay in wasiirka ganacsiga Saajin loo keensaday kulmiye si uu u kala jabiyo quwad aan markii hore taageeri jirey xisbiga oo lagu kala qaybinayo.


Dhamaan hadaladiisu waxay ahaayeen kuwo uu ku helay cid la dagaal gasha, waxaana maantaba isku dhinac ah Xaashi, jaamac shabeel, Qabo, Samsam iyo Samaale oo ay sugayaan inuu isna soo goosto iyo Saylici oo ay ku taageeri doonaan inuu ku dhexdagaalamo xisbiga si loo qaawiyo Kulmiye.


Isku soo duubo Maxamuud Xaashi waxa uu haysta awood uu ugu yaraan buuq ku furi karo xukuumada, inta u hadhsana qaylo ku dhamaysan doonaan.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...