Golaha Wasiirada Soomaaliya Oo Go'aamo Ka Gaadhay Hindise Sharciyeedyo Cusub
Muqdisho(HWN):-Golaha wasiirrada xukuumadda xil-gaarsiinta ayaa maanta kulan ay Muqdisho ku yeesheen waxay ku meel mariyeen Hindise-sharciyeedka dhismaha hey’adda diiwaan gelinta iyo aqoonsiga dadweynaha Soomaaliyeed, Hindise Sharciyeedka dhismaha hey’adda dhiirri-gelinta maal-gashiga iyo siyaasadda isbedelka cimilada.
Shirka Golaha ayaa sidoo kale lagu ansixiyay Istaraatiijiyadda dhiirri-gelinta maal-gashiga qaranka, Axdiga jaamacadda Carabta ee la dagaallanka Musuq-maasuqa, heshiiska Iskaashiga arrimaha waxbarashada ee u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga iyo Heshiiska iska ilaalinta laba jeer canshuuridda iyo kahor tagga la baxsiga canshuuraha saaran dakhliga ee u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Qatar.
Kulanka oo uu guddoomiyay Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, mudaneMahdi Maxamed Guuleed, ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbixnta amniga iyo xaaladda waxbarashada dalka.
—DHAMMAAD—-