Safiirka Maraykanka Ee Soomaaliya Fariin U Diray Madaxda Maamul Goboleedyada
Muqdisho(HWN):-Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya ayaa ku boorriyay madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Soomaaliya ee Muqdisho u jooga dhameystirka wadahadalada in ay bilaabaan hirgalinta habka la isku raacsan yahay ee horay loogu sii wado doorashooyinka.
Sidoo kale, safiirka Maraykanka ayaa dowladda Soomaaliya uga mahad celiyay in ay iskugu keentay hoggaamiyeyaasha dowlad goboleedyada Muqdisho.
"Soomaaliya waxay u baahan tahay in hoggaamiyayasheeda ay dhammaystiraan mabaadi'da heshiis ku saabsan is afgarad sal ballaaran, oo ah halka lagu gaari karo doorasho la isku raacsan yahay,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya.
Maalinta berrito oo sabti ah ayaa la filayaa inuu bilowdo wada hadalka madaxweyne Farmaajo, madaxweynayaasha shanta dowlad goboleed iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir, si loo dhameystiro hannaanka doorashada.