Dawlada Soomaaliya Oo Shacabka Iyo Ganacsatada Ugu Baaqday In La Taageero Dalka Suudaan

0
Friday September 11, 2020 - 15:34:09 in News by
  • Visits: 1331
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Soomaaliya Oo Shacabka Iyo Ganacsatada Ugu Baaqday In La Taageero Dalka Suudaan

    Dawlada Soomaaliya Oo Shacabka Iyo Ganacsatada Ugu Baaqday In La Taageero Dalka Suudaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlada Soomaaliya Oo Shacabka Iyo Ganacsatada Ugu Baaqday In La Taageero Dalka Suudaan


Muqdisho(HWN):-Golaha wasiirrada xukuumadda xil-gaarsiinta ayaa ganacsatada iyo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in gurmad degdeg ah lala gaaro dowladda iyo shacabka Suudaan oo wajahaya fatahaadihii ugu ba’naa ee dalkaas soo mara muddo ka badan 100 sano.




"Waxaan u tacsiyeynay waddanka aan walaalaha nahay ee Suudan oo aan leenahay Soomaaliya waa ay idin garab taagan tahay. Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan ganacsatada Soomaaliyeed iyo shacabka Soomaaliyeed in gurmad deg deg ah la siiyo walaalaheen Suudan oo na garab istaagay xilligii aan u baahneyn” ayuu yiri sii hayaha Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul wasaaraha, Cabdullaahi Xaamud.


Shirka Golaha oo uu guddoomiyay Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, mudaneMahdi Maxamed Guuleed, ayaa sidoo kale lagu go’aamiyay in muwaadiniinta Suudaan ee ku dhaqan Soomaaliya laga dhaafo kharashaadka degganaanshaha iyo ganaaxyo haddii ay jireen.


Suudaan oo ka mid ah dadalka sida weyn u garab istaagay Soomaaliya, waxaa ku nool in ka badan 7,000 oo mawaadiniin Soomaaliyeed ah oo isugu jira arday iyo qoysas kale.

—DHAMMAAD—-

Loading...
Loading...