Madaxweyn Farmaajo Oo Sameeyey Magacaabis Cusub

0
Friday September 11, 2020 - 14:47:43 in News by
  • Visits: 1991
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyn Farmaajo Oo Sameeyey Magacaabis Cusub

    Madaxweyn Farmaajo Oo Sameeyey Magacaabis Cusub

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyn Farmaajo Oo Sameeyey Magacaabis Cusub



Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Wareegto uu soo saaray waxa uu Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed u magacaabay Kuxigeenka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada.

Madaxweyne Farmaajo oo Magacaabay la taliye Cusub – Radio Dalsan FM 91.5 MHz | Warar Sugan | Somalia News


Madaxweynaha ayaa tilmaamay in magacaabistan ay sii xoojineyso tallaabooyinkii hore ee ku aaddanaa awoodsiinta dhallinyarada ee dhinacyada siyaasadda, hoggaaminta hay’adaha Dowladda iyo ka qeybgalka dib u dhiska dalka.


"Tallaabooyinka aan dhallinyaradeenna Soomaaliyeed kaga qeyb galinayno maamulka iyo siyaasadda dalka waa kuwo muhiim u ah soo nooleynta rajadooda. Magacaabista Kuxigeenka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada oo uu mutaystay Cabdinuur waxa ay muujinaysaa sida aan dhallinyarada Soomaaliyeed uga qeyb gelinayno dhammaan heerarka sare ee siyaasadda iyo Maamulka dalka.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.


Mudane Cabdinuur ayaa ka hor xilkan waxa uu ahaa Agaasimaha Waaxda Warfaafinta Xafiiska Madaxweynaha iyo Afhayeenka Madaxtooyada, jagadaas oo uu hayay tan iyo markii uu Madaxtooyada ku soo biiray sannadkii 2017 kii. Cabdinuur waxa uu muddadaas kamid ahaa agaasimayaashii ugu wakhtiga dheeraa intii xukuumaddani jirtay taasi oo u soo jiidday sumcad uu ku mutaystay dallacsiintan si uu u sii dardargeliyo u adeegidda muwaadiniinta Soomaaliyeed.

DHAMMAAD

Loading...
Loading...