Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo Ka Hadlay Doorasho Looga Dareeray Maamulka Tigreey-ga

0
Thursday September 10, 2020 - 19:38:30 in News by
  • Visits: 2620
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo Ka Hadlay Doorasho Looga Dareeray Maamulka Tigreey-ga

    Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo Ka Hadlay Doorasho Looga Dareeray Maamulka Tigreey-ga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo Ka Hadlay Doorasho Looga Dareeray Maamulka Tigreey-ga

Addis Ababa(HWN):-ismaamulka Tigreey ee dalka Itoobiya ayey maanta si rasmi ah uga bilaabantay doorasho ay codkooda ka dhiibanayaan shacabka ku dhaqan maamulkaasi.


Goobo codbixineed oo gaadhay 2600 ayey dadweynaha maamulka Tigreey codkooda ka dhiibanayaan iyada oo dawlada federaalka ahi ay ka soo horjeedo doorashada ay maamulka Tigreey-gu abaabuleen.

Ethiopian PM: 'All of My Intention and Action Is Aimed at Elevating Ethiopia' | Voice of America - English


Raysal wasaaraha dalka itoobiya Abiy Ahmed oo u waramay telefishanka dawlada ayaa sharci daro ku tilmaamay doorashada looga dareeray maamulka Tigreey-ga isaga oo sheegay inaanu ka qaadi doonin wax talaabo milatari ah.


Raysal wasaare Abiy Ahmed waxa uu sheegay in natiijada ka soo baxda doorashadaasi aanay ahayn mid ay aqoonsan doonaan isaga oo xusay inaanay waxba ka badalayn maamulka Tigreey-ga iyo dawlada federaalka ah, waxaanu ugu baaqay madaxda maamulkaas inay u hogaansamaan go’aankii ay baarlmaanku dib ugu dhigeen doorashada guud ee dalka Itoobiya.


Xisbiga TPLF oo gacanta ku haya maamulka Tigreey-ga ayaa hore ganafka ugu dhuftay talaabadii ay baarlmaanku mudo kordhinta ugu sameeyeen raysal wasaaraha Itoobiya isla markaana dib ugu dhigeen wakhtigii ay dhici lahaayeen doorashooyinkii guud ee dalkaasi.


Loading...
Loading...