Hay'adda Cuntada Aduunka Ee FAO Oo Soo Saartay Warbixin Ku Saabsan Cimilada Somaliland Iyo Soomaaliya Ee Maalmaha Soo Socda

0
Sunday April 21, 2019 - 00:04:23 in News by
  • Visits: 4755
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hay'adda Cuntada Aduunka Ee FAO Oo Soo Saartay Warbixin Ku Saabsan Cimilada Somaliland Iyo Soomaaliya Ee Maalmaha Soo Socda

    Hay'adda FAO Oo Warbixinteeda Ku Sheegtay In Somaliland Helayso Roob Badan Todobaadka Soo Socda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hay'adda FAO Oo Warbixinteeda Ku Sheegtay In Somaliland Helayso Roob Badan Todobaadka Soo Socda


Hargeysa(HWN):-Hay’adda Cuntada Aduunka (FAO) ayaa shaaca ka qaaday in toddobaadka soo socda ay deegaamada Somaliland heli doonaan Roobab badan.




Sida lagu sheegay qoraal hay’addani soo saartay Jimcahii shalay oo la xidhiidha saadaasha roobabka ee toddobada maalmood soo socda ayaa lagu yidhi;


"Baddi Deegaamada Soomaaliya waxay ahaan doonaan kuwo qalallan saddexda maalmood ee soo socda, marka laga reebo geyiga Somaliland iyo meelo kale oo roobab koobkooban ka da’i doonaan.


Qoraalka FAO ayaa la raaciyey, saadaasha roobabka toddobaadka soo socda 18 April ilaa 24 April, sida jaantuska tilmaamayo ayaa muujinaya fursadaha roobab badan oo ka da’a dabayaaqada toddobaadkan Somaliland iyo Koonfurta Soomaaliya & deegaamda sarreeya ee Itoobiya.


Si kastaba ha ahaatee Saadaasha ay hay’adda Cuntada Aduunka (FAO) bixisay, ayaa yididiilo wanaagsan muujinaysa, waxaana loo baahan yahay in bulshada Somaliland ka faa’iidaystaan weeleynta raxmaadka Alle, una samaystaan keydad taasoo wax badan ka tari doonta dhinaca biyo-yaraanta dalka iyo dhigaalka dhaqaalaha kaga baxa bulshadeena helitaanka biyaha.

Loading...
Loading...