Faallo:-KULMIYE Waligii Ma Noqon Xisbi Ku Dhaqma Hannaan Dimuqraaddi Ah!
Faallo:-KULMIYE Waligii Ma Noqon Xisbi Ku Dhaqma Hannaan Dimuqraaddi Ah!

Hargeisa(HWN):-Xisbiga KULMIYE marka taariikhdiisa laga soo bilaabo ilaa aasaaskiisii mar qudha waligii kuma dhaqmin hannaan dimuqraadi ah oo si furan oo xalaal ah looguma tartamin gudihiisa, kalkasta marka la gaadho Shirweynihiisa si hadda taagan si la mid ah ayaa la isugu xoog sheegan jirey oo rag waa wayn oo Xoog iyo Xoolaba wixii ay hayeen KULMIYE ku bixiyay ayaa dibadda looga tuurri jirey, iyaddoo aan gar iyo garowshiyo midna la marin. Anigu ma lihin siddii ay ahaan jirtay haku socoto oo qolyaha maanta wax tirsannaaya dariiqii foosha xumaa hala mariyo, ha-yeeshee waxaynu sheegaynaa taariikhdii uu Xisbigani waligiiba ku soo dhaqmaayay. Soomaalidaa odhan jirtay "Waxaad ceebta u taqaan rag-bay camalkiisa tahay" Sidaa waxa ka dhigan Muuse Boob ama Muuse Baloodh hadba kaad u taqaanid oo siyaasadda ka bartay ku jiqsii iyo gacan maroojis.

Guddoomiyihii ugu horreeyay ee Xisbiga talada haya ee KULMIYE waxa uu ahaa Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), dhawr iyo toban sano oo uu Axmed Siilaanyo guddoomiye ka ahaa KULMIYE, markii u danbaysay waxa si caaddiya loogu wareejiyay Sanadkii 2010-kii Muuse Biixi Cabdi, waxaanna talaabaddaas ka dhashay hirdan siyaasaddeed oo dhex-marraayay Siyaasiyiin KULMIYE ka tirsannaa, Xukuumaddii Axmed Siilaanyana Wasiirro ka ahaa oo iyaga laftooddu isku arkaayay inay xaq u leeyihiin hoggaaminta KULMIYE, wax ka maanacaayana aannu jirin, arrintaas oo kala qaybsannaan balaadhan ku keentay Xisbiga KULMIYE. Wasiirradaas waxa hormood u ahaa Wasiirkii Madaxtooyadda Xirsi Cali Xaaji Xasan, inkastoo aannu isagu ku dhawaaqin innuu Guddoomiye ama Murashax uu damac kaga jiro, balse waxa uu iska horraysiiyay Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Maxamed Biixi Yoonis oo labaduba doonnaayay inay Muuse Biixi kula loollamaan hoggaaminta KULMIYE, hase yeeshee hirdankaa adag waxa soo afjaray Axmed Siilaanyo, kadib markii uu la saftay Muuse Biixi.
Haddaba, KULMIYE waa Xisbigaas waligii la is muquunin jirey ee aan jiritaankiisa waligii si xor ah loogu tartamin kurraastiisa, maantana Muuse Biixi ayaaba joogga oo kaligii wax walba isagu doonnaaya innuu go'aankeedda yeesho, sida uu Xukuumaddiisa u walaaqday ee Shuruucdii dalka ugu tuntay ayuun baanna KULMIYE loogu tumannayaa, waanna talaabaddii u danbaysay ee KULMIYE kaga bixi lahaa Saaxadda Siyaasadda, balse waxaad la socotaa Muuse Biixina kama danbayn doonnee hadda ogow, waanna muddo yar waxa u hadhsan kalkiisii doorasho. KULMIYE iyo Muuse Biixina Somaliland mar ha wada dhaafaan ileen ruux inkaarran weeye, waa ruux aan talo qaadanayn, talo wanaagsanna aan keennayn, waxa uu dalka ku waddaana waa jacaylkiisa iyo dookhiisa hadba sida ay isaguun wax ula muuqdaan, dalkana waxa uu u baahan yahay ruux isku wada, Caddaalad iyo Sinnaan ku maamula, hannaanka Dimuqraadiyaddeed innoo dhisanna kordhiya, dhismaha Xisbiyadda qaran ilaaliya, tanaasulka yaqaanna, dulqaad yeesha, inkastoo uu Muuse Biixi isagu yidhi dulqaadku waa doqonnimo, laakiin sidaa maaha dulqaadku waa geesinnimo, waa astaan muujinaysa inaad shaqsiyad wanaagsan leeddahay oo aad wax badan dul u yeelan karto.
Si kastaba ha ahaatee, Shirweynihii Muuse Biixi ee Xisbiga KULMIYE muddo yar oo kooban ayaa ka hadhsan, waxaanna jira kala qaybsannaan iyo khilaaf wayn oo u dhaxeeya Xisbiga KULMIYE gudihiisa, hase yeeshee waynu dhawri doonnaa maalmaha iyo laba toddobaad ee socda sida xaalku noqdo iyo jawiga uu Shirkaasi ku bilaabmo haddii Eebbe yidhaahdo.
Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland
Loading...
Loading...


0 





