Nuxurka War Cusub Oo Ka Soo Baxay Guddida Qaban Qaabada Shirweynaha Xisbiga Kulmiye
Hargeysa(HWN):-Guddida qaban qaabada shirweyanaha afaraad ee xisbiga kulmiye ayaa fariin u diray ergada ka qayb-gali doonta shirweynahaas.

Faysal Cumar Maddar oo ah xoghayaha guddida qaban qaabada hirweyanaha afaraad ee xisbiga Kulmiye, wuxuu sheegay in guddidaasi ay si rasmi ah u bilaabeen diiwaan gelinta xubnaha ergooyinka ah ee ka qayb-gali doona hirweyanaha afaraad ee xisbiga Kulmiye, taas oo bilaabmi doonta maalinta Sabtida ah ee taariikhdu tahay 12-ka bisha sagaalaad ilaa 30-ka isla bishan sagaalaad 2020, taas oo ka bilaabmi doonta xarunta dhexe ee xisbiga Kulmiye.
xoghayaha gudida qaban-qaabada shirweyanaha afaraad ee xisbiga Kulmiye, waxa kale oo uu sheegay in ergooyinka ka imanaaya gobollada Sool iyo Sanaag loo tix gelin doono ka fogaanshaha ay ka fog yihiin xarunta caasimada oo ay diiwaan-gelintaasi ka furmi doonto, waxaanu intaas ku daray in loo baahan yahay in ergooyinkaas ka imanaaya gobollada fog-fogi ay hore u soo diyaar-garoobaan.


0 





